Isku aadka tartanka CECAFA Kagame Club Cup oo lasoo saaray

Tuesday May 21, 2013 - 23:24:53
0 Comments
2956
Super Admin
Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa soo saaray isku aadka tartanka cecafa Kagame Club cup oo 18-ka bisha June ee inasoo aadan ka furmi doona gobalda rabshaduhu halakeeyeen ee Darfur iyo koofurta Gordofan ee dalka Sudan.


Kulan ka dhacay magaalada Khartoum ayaa lagusoo bandhigau isku aadka waxaana cayaarta ugu horeysa ay dhex mari doontaa kooxaha kala ah Tusker iyo Super Falcon. Soomaaliya waxaa tartankan ku mataleysa kooxda horytaalka heysata ee Elman oo group-ka A kula jirta kooxo ad adag oo ay ka mid yigiin Simba iyo El Mereikh, waxaana mid ka mida labadan kooxood loo saadaalinayaa in ay koobka ku guuleysan karto.



Tartankan lagu qabanayo gobalada dagaaladu halakeeyeen ee dalka Sudan ayaa loogu talagalay in lagu dhiiri gelinyo nabada sida uu sheegay xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye oo lahaa fikirka ah in cayaaraha deegaanadan lagu qabto.

Mr. Musonye ayaa mar kale ku celiyay inay qorshaha ugu jirto dalka Soomaaliya in ay cayaaro ku qabtaan arrintaasoo uu xusay in uu kala hadlayo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta hadii la isla gartana uu Muqdisho imaan doono.

Tartanka CECAFA ee ka dhacaya dalka Sudan ayaa waxaa ka qeyb galaya 13 kooxood, waxaana munaasabadii maanta isku aadka lagusoo bandhigay kasoo qeyb galay xoghayaha CECAFA iyo madax sare oo ka socotay dalka Sudan.

Mr Musonye ayaa ku amaanay xiriirka kubada cagta dalka Sudan iyo dowladuba sida ay ugu diyaar garoobeen in tartankan nabadeed lagu qabto gobalada Darfur iyo Gorodofan.

"Waxaan aad ugu rajo weynahay in tartankan lagu qabanayo Darfur iyo Koofurta Gordofan uu wax weyn ka tari doono nabadeynta deegaankan oo dadku u bisil yihiin cayaaraha kubada cagta”ayuu yiri Musoinye oo sheegay in saraakiisha CECAFA ay lixdii maalmood ee lasoodhaafay ku sugnaayeen dalka Sudan si ay diyargarowga tartanka usoo dhameystiraan, isagoo ka dhawaajiyay in hada wax kasta ay soo dhamaadeen lana sugayo oo keliya in tartanku furmo.

Groups

A: Merriekh El Fasher, APR (Rwanda), Simba (Tanzania), Elman (Somalia)

B: Al Hilal Kadugli, Tusker (Kenya), Al Nasir, Falcons, Al Ahly Shandy

C: Yanga (Tanzania), Express (Uganda), Ports (Republic of Djibouti), Vital’O (Burundi)


Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment