Tababar caafimaadka Sport-ga ah oo furmay

Thursday May 09, 2013 - 00:10:26
1 Comments
3611
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa daqiiqado ka hor furay tababar caafimaadka Isboortiga ah oo socon doona muddo laba maalmood ah, kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan arday ka socota jaamacadaha caafimaadka dalka, Ibsitaallada waaweyn iyo ururka bisha cas ee Soomaaliyeed, waxaana ujeedadu tahay in la kordhiyo tirada iyo tayada xirfad-leyaasha dhinaca caafimaadka Isboortiga ee dalkan oo kubada cagtu ay hada soo koreyso.


Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab oo furitaankii tababarka maanta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tababarkani uu yahay mid aad u horumarsan oo ay tahay noociisa oo kale markii ugu horeysay oo la qabanayo inkastoo kuwo kale horay loosoo qabtay.

Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in tababarkan looga gol leeyahay in lagu xoojiyo doorka mutadawiciinta caafimaadka Isboortiga isla markaana sare loogu qaado tirada shaqaalaha caafimaadka Isboortiga kuwaas oo u gaar noqon doona kubada cagta maadaama xiriirku juhdi gar ahaaneed gelinayo.



"Horay waxaan u qaban jirnay sanadkiiba ugu yaraan hal tababar oo caafimaadka Isboortiga ah, laakin tababarkani wuu ka duwan yahay kuwii hore,sababtoo ah wuxuu isu keenay dad dhalinyaro ah oo ka kala yimid jaamacadaha caafimaadka lagu barto, kalkaaliyeyaal caafimaad oo isbitaalada dalka ugu waaweyn ka howlgala iyo mutadawiciin ka socda ururka bisha cas ee Soomaaliyeed, sidaa daraadeed ayaan ku tilmaami karnaa mid ka duwan tababaradii hore xiriirku u qaban jiray”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Ahna xubbin guddiga FIFA iyo guddoomiyaha guddiga tartamada bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, isagoo si gaar ah ula hadlayay ka qeyb galayaasha tababarka oo tiradoodu dhan tahay 45 ruux oo rag iyo haween isgu jira.

Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in ay xiriirka Soomaaliyeed aad muhiim ugu tahay in uu abaabulo tababar noocan oo kale ah isagoo intaana sii raaciyay in xiriirku uu qabashada tababarkan ka leeyahay ujeedooiyin muhiimah oo ay ka mid yihiin:

1- In la kordhiyo tirada mutadawiciinta caafimaadka kubada cagta ee dalka oo dhan.

2- In dhambaal baraarujin caafimaad ah loo diro shacabka Soomaaliyeed loona marsiiyo kubada cagta.

3- In la fuliyo qawaaniinta caalamiga ah ee caafimaadka Isboortiga lana faafiyo dhambaalka caafimaad ee guddiga caafimaadka FIFA kasoo baxay gaar ahaana fariintii lagusoo bandhigay shirarkii caafimaadka ee FIFA ee ka kala dhacay Zurich 2010 iyo Budapest 2012, shirarkaas oo Soomaaliya ay uga qeyb galeen dhaqaatiir ka socotay guddiga Caafimaadka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

4- In lala socodsiiyo mutadawiciinta caafimaadka ee xiriirka Soomaaliyeed arrimaha kusoo kordhay caafimaadka Isboortiga aduunka, laguna gacan siiyo in ay ay fuliyaan dhambaallada caafimaadka ee muhiimka ah ee kasoo baxay guddiga caafimaadka ee FIFA kuwaas oo ay ka mid yihiin barnaamijyada loogu magac daray FIFA 11+ iyo F-Marc

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab wuxuu ka dhawaajiyay in meel marinta tababarka noocan oo kale ah uu xiriirku kasoo shaqeynayay muddo dhan laba sanadood. Tababarro kale xiriirku horay wuu ugu qabtay dalka gudihiisa laakin kani waa mid aad u heer sareeya marka loo eego kuwii ka horeeyay maadaama loogu diyaar garoobayo tababar kale oo heer FIFA ah.

Intii ay socotay khudbadiisa ayaa xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la sameeyo ku baraarugsanaan la dagaallanka maandooriyaha isboortiga dhexdiisa barnaamijkaas oo loo yaqaano (Anti Doping control awareness). Kaasoo uu sheegay in meel marintiisa xiriirku uu siinayo ahmiyada koobaad.

Xoghayuaha guud ayaa xusay in tababarkani uu yahahy kii ugu dambeeyay tababaro horay loo soo qabtay oo loogu diyaar garoobayo tababarka caafimaadka heer caalami ee FIFA oo sanadkan gudihiisa lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

"Markii ugu horeysay ayaan dooneynaa in ugu yaraan 3 tababar oo heer FIFA ah aan sanadkan gudihiisa ku qabano magaalada Muqdisho, tababaradaasna waxaa ka mid ahaan doona tababrka caafimaadka, sidaa daraadeed waxaan idinka rabnaa in aad si weyn ugu diyaar garowdaan, sababtoo ah fursad weyn ayay idiin tahay in aad heshaan shahaadooyin FIFA oo caalamka oo dhan aad uga shaqeynsan kartaan meeshii aad tagtaan”ayuu xoghayaha guud u sheegay ka qeyb galayasaha tababarkan maanta furmay, isagoo ka dhawaajiyay in 25-ka ruux ee kaalimaha ugu horeeya soo gala ay nasiib u yeelan doonaan in ay tababarka FIFA ka aqeyb galaan.

Xoghayaha guud ayaa intaa araaciyay in xirfad-layaasha caafimaad ee tababarka la siiyo ay ka shaqeyn doonaan tartamada gudaha ee xiriirku qabto iyagoo sidoo kalana gacan siin doona naadiyada dalka xilliyada ay tababarka qaadanayaan iyo markii kale oo ay naadiyadu u baahdaan.

GAADIIDKA CAFIMAADKA (AMBULANCE)

Khudbadiisii uu ka jeediyay furitaankii tababarka ayaa xoghayah aguud Mudane Cabdi Qani Saciid Carab wuxuu ka qeyb galayaasha ugu sheegay in xiriirku uu ku guda jiro qorshe ku aadan in la hirgeliyo gaadiidka caafimaadka ee loo yaqaano (ambulance) oo gaar u ah xiriirka Soomaaliyeed xaadirna ku ahaan doona garoomada xilliyada tartamada iyo tabaradadu socdaan, maadaamabuu yiri ay jirto baahi weyn oo arrinkaa loo qabo.

"Anigoo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan halkan idinkaga balan qaadayaa in aan idin heli doono qalab caafimaada oo dhameystiran oo aad howlihiina ku fushataan oo ay ka mid yihiin gaadiidka caafimaadka ee Ambulances-ka loo yaqaano—waxaan isku dayi doonaa wax kasta oo karaankeena ah si aan baahidiina xaga qalabka caafimaadka ah u daboolno”ayuu xoghayaha guud Mudane Cabdi Qani Saciid Carabu sheegay ka qeyb galayaasha tababarka maanta.

Dhankiisa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble oo hadal kooban munaasabada furitaanka tababarka ka jeediyay ayaa sheegay in xiriirku uu ahmiyad weyn siinayo xoojinta qeybta caafimaadka Isboortiga.


Wuxuu guddoomiyuhu ka dhawaajiyay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu kordhin doono qabashada tababarada noocan oo kale ah si loosoo saaro dhalinyaro farabadan oo daboola baahida loo qabo dhaqaatiir caafimaad oo dhinaca isboortiga ah una diiwaan gashan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

"Waxaan amaan balaaran usoo jeedinayaa xubnaha gudiga caafimaadka ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed, kuwaas oo waqtigooda iyo xoogoodaba u huray sidii ay usoo saari lahaayeen mutadawiciin badan oo dhanka caafimaadka Isboortiga ah, ka guddoomiye ahaana waxaan halkan ka cadeynayaa in aad laf dhabar u tihiin shaqooyinka aanu heyno maadaama bahda caafimaadka la’aantood aanan socon Karin”ayuu guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble ka sheegay munaasabada furitaanka, isagoo kaddibna ku dhawaaqay in tababrku si rasmi ah u furan yahay.

Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa macalin ka ah Dr Cabdullaahi Xuseen oo ah dhaqtar guud kana mida dhaqaatiirta xaga qalliinka ugu sareeya dalka Soomaaliya soona qaatay koorsooyin badan oo caafimaadka Isboortiga ah oo lagu qabtay dalka dibadiisa ayna bixiyeen Ururka kubada cagta Adduunka ee FIFA iyo kan qaarada Afrika ee CAF.

Waxaa kaloo tababarkan macalin ka ah Dr Khaliif Yuusuf Sabriye oo ah dhaqtar cudurrada guud isla markaana si gaar ah ugu taqasusay Jabka iyo Kabidda lafaha burburay. Labada macallin ayaa ka mida guddiga Caafimaadka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta islamarkaana ku jira liiska khubarada caafimaadka Isboortiga ee wadamada xubnaha ka ah FIFA.

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment