Xilli cayaareedka 2013 oo bilowday

Friday April 19, 2013 - 06:36:16
0 Comments
2631
Super Admin
Xilli cayaareedka 2013 ee horyaalka kubada Cagta dalka Soomaaliya ayaa qeyb ahaan bilowday iyadoo cayaartii furitaanka horyaalka heerka labaad ay dhacday maanta oo, halka horyaalka heerka koobaadna uu sugayo oo keliya marka ay FIFA soo dhamsytirto wajiga labaad ee dhismaha garoonka Stadium Banaadir, halkaas oo la qorsheynayo in horyaalka heerka 1-aad uu ka dhici doono sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo warbaahinta la hadlay.


Xoghayaha guud ayaa warkan saxaafada u sheegay intii ay socotay munaasabada furitaanka horyaalka heerka labaad halka horyaalka heerka 3-aadna uu sheegay in uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada ah ee inasoo aadan oo bisha April tahay 21-ka, waxaana labadan horyaal ee B iyo C ay ka wada dhici doonaan garoonka Jaamacadaha.

Horyaalka heerka 1-aad oo ah tartanka ugu shacbiyada iyo xiisaha badna tartamada uu qabto xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayuu xoghayuhu sheegay in lala sugayo dhameystirka dhismaha garoonka Banaadir oo wajigiisa labaad dhawaan la guda geli doono.



"Maanta waxaan halkan u taaganahay in aan bilowno horyaalka heerka 2-aad oo uu soo raaci doono kan heerka 3-aad oo Axada isna aan qoresheyneyno in aan furno—qorsheheenu wuxuu ahaa in sadexda horyaal ay isku mar furmaan isku marna soo dhamaadaan waana ka xumahay in aan maanta ku dhawaaqo in horyaalka heerka 1-aad dib u dhac uu ku yimid, iyadoo sababtuna ay tahay garoonka Stadium Banaadir oo aan hada diyaar u ahayn in cayaaro lagu marti geliyo, waxaanse aad ugu rajo wreynahay in FIFA ay soo da dajin doonto dhameystirka dhismaha garoonka”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu xoghayaha guud amaan usoo jeediyay masuuliyiinta naadiyada heerarka 2-aad iyo 3-aad oo uu sheegay inay door aad uweyn ka cayaareen dhaqan gelinta siyaasada xiriirka ee ku aadan soo saarista cayaartoy da’ yar oo tayo wanaagsan taasoo qeyb ka ah barnaamijka horumarinta dhallinyarada oo horayna natiijooyin wax ku ool ah looga gaaray.

"Wiilal da’ yar oo 15-jir ilaa iyo 17 jirro ah ayaan fileynaa in ay naadiyada heerka 3-aad ku matalaan tartanka Axada furmi doona, halka naadiyada heerka 2-aadna ay maantaba soo safeen cayaartoy da’doodu u dhexeyso 18-20 sano, sidaa daraadeed aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan hortiina ka xaqiijinayaa in naadiyadeenu ay dhab u qaateen si buuxdana u meel mariyeen siyaasada xiriirka ee ah in lasoo saaro ciyaartoy da’ yar ah”ayuu xogahayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab hadalkiisa sii raaciyay.

Dhankiisa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa sheegay in horyaalka iminka furmay la rajeynayo in uu noqdo mid aad uga kulul ugana xiiso badan horyaaladii hore iyadoo sababtuna ay tahaybuu yiri diyaar garowga aadka u weyn ee naasiyadu soo galeen.

 

"Waan la socdaa in ciyaartoy aad loosoo diyaariyay, tayo wanaagsan leh isla markaana da’yar ah ay halkan joogaan kuwaas oo bandhigooda ugu horeeya ay ku wada qanceen madaxda xiriirka iyo dhamaan teegaarayaasha jecel kubada cagta, sida aan ka ogaanay qeybta hore ee cayaarta furitaanka ah ee maanta”ayuu guddoomiye Cali Saciid u sheegay saxaafada kaddib dhamaadka qeybtii hore ee cayaarta furitaanka oo dhex martay naadiyada kala ah Al Beder iyo DBG.

Labada naadi mid waliba waxaa uu isku dayay in uu badiyo isla markaana urursado 3-dii dhibcood ee koox ku adkaata cayaar kubada cagta ah ay heli lahayd, laakin cayaarta oo aad u adkeyd ayaa labada naadi midna aanay u suura gelin in uu wax gool ah dhaliyo waxaana ay kusoo idlaatay bar bar dhac 0-0 ah min hal dhibic ayayna garoonka kala hoyaadeen.

Intii ay socotay cayarta furitaanka horyaalka heerka 2-aad ayaa laba cayaaryahan oo labada naadi ka kala tirsan la siiyay midkiiba hal Jaale sida ku cad shaxda hoose.

AL BEDER FC

Name

Number

Date

Minute

Caution

Sharmarke Mohamed Ali

3

19/04/2013

51st

Yellow Card


DBG FC

Name

Number

Date

Minute

Caution

Maslah Mahmoud Ahmed

25

19/04/2013

88th

Yellow Card





 


Somali Football Federation Media Department

Email: somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment