City Palace & Jazeera hotel oo galabta balansan (Astanta cayaarta galabta)

Tuesday March 26, 2013 - 13:35:19
0 Comments
3343
Super Admin
Tartanka Xiddigaha kubada cagta oo shalay furmay ayaa cataarta labaad waxaa galabta isaga hor imaan doona garoonka Jaamacadaha kooxaha kala ah Hotelada City Palace iyo Jazeera Palace hotel waxaana ay labada kooxoodba heystaan cayaartoy tayo wanaagsan iyadoo la qiyaasayo in cayaarta galabta ay ka mid tahay cayaaraha ugu ad adag tartanka oo dhan.


Si shirkadaha tartanka ka qeyb galaya loogu dhiiri geliyo Sportiga ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu ugu talagalay cayaar kasta in ay yeelato astaan u gar ah astaantaas oo qofkii sawirkeeda arka uu si fudud ku ogaan karayo cida galabtaas cayaarta leh.

Tartankan shalay furmay socona doona ilaa iyo 12-ka bisha dambe waxaa hada hogaamineysa kooxda Nation Link Telecom E-maal oo shalay 3-2 kaga adkaatay kooxda Singjey. Waxaa laga dhur sugayaa cida guushu ay raacdo galabta oo soo labeysa Nation Link.

By Omar Ibrahim

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com





Leave a comment