Tartanka xiddigaha k/cagta oo la shaaciyay xiliga la qabanayo

Saturday March 16, 2013 - 12:33:06
0 Comments
3746
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaciyay xilliga la qabanayo tartanka xiddigaha kubada cagta Soomaaliya kaas oo looga dhawaaqay shir saaka ka dhacay xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee magaalada Muqdisho.


Guddoomiyaha guddiga tartamada xiriirka ahna xubin guddiga fulinta Cali Cabdi maxamed (Cali shine) oo ku dhawaaqay mudeynta tartankan ayaa sheegay in xiriirka kubada cagta Soomaaliya uu ahmiyad weyn siinayo tartanka xiddigaha maadaamabuu yiri kooxda qaranka laga xuli doono tartankan oo Muqdisho ka furmkidoona dabayaaqada bishan.

"Ciyaartoyda tartankan ka qeyb geleysa waa kuwii laga xulay horyaaladii dhawaan xiriirku qabtay ee heerarka koowaad iyo labaad, kuwaas oo ay iskusoo abaabushay waaxda farsamada xiriirka oo kaddibna kasii xuli doonta liiska ugu dambeeya ee xulka qaranka Soomaaliya”ayuu saxaafada u sheegay Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).



Waxaa uu sheegay in ka badan 100 ciyaartoy oo lasoo xulay in loo qeybiyay ilaa iyo 6 kooxood oo ay maalgelinayana hoteelo iyo shirkado magaalada Muqdisho ku yaala oo iyaguna xayeysiinadooda kusoo bandhigan doona tartanka.

"Tani waxaa ay bilow u tahay hindise aan ugu talagalnay in shirkadaha ganacsiga aan ku barno in ay xayeysiis ku sameystaan kubada cagta oo ah cayaar awood u leh in ay ganacsigooda si fudud ku gaarsiiso daafaha caalamka”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay madaxa tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Cabdi Maxamed.

Wuxuu sheegay in hoteeladaas magacyadooda kooxuhu ku cayaari doonaan ay ka mid yihiin: Hotel Global, Hotel City Palace, Jazeera Palace hotel, Singjet, Nation Link Telecom iyo baarka weyn ee Lido Sea Food Restaurant oo ah baar caalami ah muddooyinkan dambena ahaa meel shiradka xiriirka qqaarkood lagu qabto.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid carab ayaa dhankiisa u sheegay saxaafada in qaban qaabada tartanka xiddigaha ay qeyb ka tahay u diyaar garowga hore ee xulka qaranka kubada cagta Soomaaliya ee cayaaraha mustqabalka dhow xiriirka kusoo fool leh ee heer gobal, heer qaaradeed iyo heer caalami intaba.

"Diyaar garowga waqtiga aadka u horeeya aanu sii sameyneyno wuxuu naga caawin doonaa in aan helno ciyaartoy tayo sare iyo adkeysi jireed oo ku filan leh—Xiriirku wuxuu ciyaartoyda la xulayo u diyaarin doonaa qorshe tababar oo gaar ah kaddib marka uu soo dhamaado tartanka xiddigaha ee loogu talagalay in lagu kala xulo ciyaartoyda”ayuu carrabka ku adkeeyay xoghayaha guud Mr. Cabdi Qani Saciid carab oo hadalkiisa sii daba dhigay in agaasimaha farsamada xiriirka macalin Cawil Ismaaciil iyo macalimiin ka tirsan waaxdiisa ay masuul ka ahaan doonaan fulinta barnaamijkaas.

Wuxuu xoghayaha guud ka dhawaajiyay in xiriirka Soomaaliyeed uu qorsheynayo in uu sameeyo wax kasta oo suuragal ah si loo helo ciyaartoy leh tayo sare iyo adkeysi jireed oo dhameystiran.




Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment