Garsooreyaal tababar caalami ah loo qaaday

Friday March 01, 2013 - 19:25:49
0 Comments
3192
Super Admin
Garsooreryaal ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo isugu jira heer caalami iyo heer qaran ayaa maanta oo jimco ah gaaray magaalada jabuuti halkaas oo uu ka dhici doopno tatabar FIFA u qabaneyso garsooreyaasha Soomaaliyeed kaas oo noociisuna yahay FIFA MA course.


Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble, guddoomiyaha gudidga tartamada xiriirka Cali cabdi Maxamed (Shiine) iyo wafdi ka kooban 28 garsoore oo ay hogaaminayaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti kusoo dhaweeyay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo dhowr maalmood kaga horeeyay Jabuuti si uu ugusii diyaariyo hotelkii ay dagi lahaayeen iyo gaadiidkii ay isticmaali lahaayeen inta ay joogaan dalka Jabuuti.

Macalimiimnta FIFA ee tababarka bixinaya ayaa iyaguna saaka gaaray Jabuuti waxaana sidoo kale garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xoghaye guud Cabdi Qani Saciid Carab iyo masuuliyiin ka tirsan xiriirka kubada cagta Jabuuti, waxaana wafdiga FIFA la dajiyay hotelka weyn ee Sheraton.



Wafdiga FIFA ayaa kala ah macalinka tababarka bixinaya Mr. Lim Kee Chong oo uu caawinayo macalinka kale ee la yriaahdo Mr. Boubakar Hanashi, halka Mr. Ahmed El Shenawi oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska horumarinta garsoorka ee FIFA uu ka madexeyn doono tababarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ah.

Dhanka kale garsooreyaasha ayaa la dajiyay hotelka Dar Es Salaam ee ku yaala bartamaha magaalada Jabuuti kaas oo qiyaastii hal mile u jira xarunta tababarada Jabuuti oo garsooreyaasha Soomaaliyeed ay koorsada ku qaadan doonaan, sida uu sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed arrintaa ku aadan maanta soo saaray.

Koorsada ayaa socon doonta inta u dhexeysa 3-7 March, iyadoo garsooreyaasha iyo madaxda la socota ay dalka dib ugusoo laaban doonaan maalinta jicmaha ee todobaadka inasoo aadan.

Garsooreyaashan ayaa lagusoo xulay imtixaanaad laga qaday oo ay kusoo gudbeen waxaana laga kala keenay gobalada bartamaha iyo koofurta dalka, iyo sidoo kale maamul gobaleedyada Puntland, Gal-mudug iyo maamulka Somaliland.

"Siyaasadeenu waa in aan horumarka iyo aqoonta kubada cagta gaarsiino dalka oo dhan sidaas darteed ayaan garsooreyaashan ka keenay gobalada dalka oo dhan”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment