Shabakada SFF oo noqotay tan ugu casrisan Africa

Saturday February 23, 2013 - 06:50:57
0 Comments
3939
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa dib u casriyeeyay shabakadiisa wararka ee www.somsoccer.com taas oo loo sameeyay qaab si weyn u shaabaha kan ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo Soomaaliya ay xubin buuxda ka tahay.


Shabakadan oo markeedii hore hawada kusoo biirtay sanadkii 2008-dii ayaa hada lagu sameeyay dib u casriyeyn waxaana shabakada wararka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay noqotay tan ugu bilicda san dhamaan shabakadaha wadamada xubnaha ka ah ururka kubada cagta aduunka.

Dad fara badan oo Soomaaliyeed oo wax weyn ka yaqaana arimaha website-yada ayaa si weyn usoo dhaweeyay dib u casriyeynta lagu sameeyay shabakada wararka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ah mid laba luqadle ah Af Soomaali www.somsoccer.com/somaliiyo Af ingiriis www.somsoccer.com/english.



Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Cabdi Casiis Goodax Barre oo ka mida xeel dheerayaasha dhinaca saxaafada ayaa sheegay in website-kani uu yahay kii ugu horeeyay ee Soomaaliyi leedahay oo sidan oo kale u horumarsan oo wligiis uu booqday.

"Runtii waa website aad u qurux badan oo si weyn la isugu howlay dhismihiisa iyo macluumaadka lagusoo kordhiyay intaba—waa shabakad wax weyn u tareysa ardayda Soomaaliyeed ee dooneysa in ay horumarin ku sameeyaan luqadooda English-ka maadaama uu website-ku leeyahay luqado isku fasirmaya, wuxuuna ardayda ka saacidayaa dhanka kororsiga eryada luqada English-ka”ayuu yiri Cabdi Casiis Goodax Barre.

Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in tan iyo 2008-dii shabakadani ay kaalin weyn ka cayaartay in ay caalamka ugsoo tebiso dhacdooyinka la xriira horumarinta kubada cagta dalka Soomaaliya hadana xiriirku ku dadaalay in uu sii horumariyo.

"Shabakadani waxay ka tarjumeysaa muuqaalka dhabta ah ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana loogu tala galay in bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo guud ahaan bulsho weynta caalamku ay si isku mid ah ugala socdaan kubada cagta Soomaaliya”ayuu yiri xoghayaha guud eexiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

"Shan sanadood ka hor wuxuu xiriirka Soomaaliyeed ku guuleystay in uu noqdo hey’adii is boorti ee ugu horeysay Soomaaliya oo yeelata website u gaar ah oo wax qabadkeeda lagusoo bandhigo, hadana waxaan aad ugu faraxsanahay in shabakadani ay noqotay tii ugu muuqaalka wanaagsanayd shabakadaha dalalka nagula jira FIFA”ayuu yiri xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Shabakadan ayaa waxaa dhistay shirkada Ileys.so, oo ah shirkada ugu balaaran geeska Afrika ee bixisa adeegga la xiriira website-yada fadhigeeduna yahay magaalada Muqdisho isla markaana xarumo ku leh magaalooyin ay ka mid tahay Hargeysa.

Shirkada Ileys iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa isku afgartay in labadii sanadoodba mar dib u habeyn lagu sameeyo dhismaha shabakada wararka xiriirka, si mar kasta ay u ahaato mid soo jiidata indhaha dadka ka soo boqoanaya caalamka daafihiisa.

Aasaasaha shirkada Ileys ahna maamulaha Enjineer Cabdiraxmaan Sheekh Ciise (Kumi) ayaa sheegay in dadaal badan iyo waqti ay geliyeen shabakadan ayna ku guuleysteen in ay ka dhigaan mid aad u horumarsan oo nooceeda oo kale aanay wali horay u sameyn oo soo jiidaneysa indhaha iyo dareenka cid kasta oo soo booqata.

"Mar kasta waxaan jecelnahay in shabakada xiriirku ay ka horumarsanaato shabakadaha dalalka kale ee dhigeena ah waxaana balan qaadeynaa in laba sanadood kaddib ay sii ahaato horyaalka website-yada xaga naqshada marka loo eego”ayuu yiri maamulaha guud ee shirkada Ileys.so Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ciise oo ku magac dheer kumi yare.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid carab ayaa sheegay in website-kan ay ka shaqeeyaan dhalinyaro aad u fir fircoon oo xiriirku uu soo barbaariyay laga bilaabo wax barashadoodii hoose ilaa iyo tii jaamacada, waxaana aad ugu faraxsanahay in dad xiriirku abuurtay ay maanta shabakadan ka shaqeynayaan”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Bishii September 2011-kii ayaa xiriirka kubada cagta ee qaarada Africa ee CAF wuxuu u aqoonsaday waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta tan ugu fir fircoon dhamaan dalalka 50 iyo dhowrka ah ee Afrika ay ka kooban tahay.

Xogyahaya Guud ee ururka kubada cagta ee Africa Hicham El Amrani ayaa xiligaas qoraal uu usoo diray madaxa xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu ku amaanay shaqada waaxda warfaafinta xiriirka oo uu sheegay in ay Afrika ka gashay kaalinta 1-aad kuna booriyay in shaqadaas ay sii laba jibaaraan.

"Ururka kubada cagta Africa ee CAF wuxuu aad ugu faraxsanyahay shaqada waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay u heyso xiriirka CAF oo Soomaaliya ay noqotay dalka qoraallada ugu badan nasoo gaarsiiya waana idinku amaaneynaa howl-karnimadaas”ayuu xoghayaha guud ee CAF ku yiri dhambaal uu soo gaarsiiyay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta 8-dii bishii September 2001-dii.

Waxyaabaha Soomaaliya lagu amaanay waxaa kale oo ka mid ahayd in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu noqday xiriirkii ugu horeeyay Africa ee soo saara buug ku qoran afka English-ka oo ka hadlaya waxqabadka xiriirka ee sanadka.

Buugan oo cadadkiisii ugu horeeyay lasoo saaray sanadkii 2011 ayaa ah mid sanadle ah oo lagusoo bandhigo dhamaan shaqooyinka xiirka ee sanad kasta iyadoo wali uusan jirin dal ka mida dalalka xubnaha ka ah ururka kubada cagta Africa ee CAF oo soo saaray buugan oo kale.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment