Dowlada Soomaaliya oo ku dadaaleysa in ciidamada Laga saaro Stadium Muqdisho

Tuesday February 05, 2013 - 18:54:12
0 Comments
3338
Super Admin
Iyadoo in muddo ahba uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ku dadaalayay sidii garoonka Stadium Muqdisho looga saari lahaa ciidamada uuna ugusoo noqon lahaa gacnata bahda Isboortiga ayaa dowlada federalka Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay ku dadaaleyso sidii ciidamada looga saari lahaa garoonka oo wasaarada arrimaha bulshada iyo xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ay doonayaan in mar kale garoonka cayaaro lagu qabto.

Balan qaadkan waxaa sameeyay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha bulshada Bashiir Maxamed Jaamac oo isaga iyo madaxda xiriirka Soomaaliyeed ay shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabteen gudaha Garoonka Stadium Muqdisho shalay isniintii.

Booqashada masuuliyiintani ay ku tageen garoonka iyo guud ahaan tuulada isboortiga Muqdisho ayaa waxaa ay qeyb ka ahayd olole dhawaanahanba uu waday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ku aadanaa sidii xarumaha Isboortigu dib ugusoo noqon lahaayeen gacanta hey’adaha Isboortiga dalka.



Wasiir ku xigeenka iyo xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa shirkooda jaraa’id kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhul banaan oo wasaaradu siineyso xiriirka kubada cagta si uu xafiisyo uga dhisto iyo qorshaha dib loogu dhisayo Tuulada Isboortiga Muqdisho.

"Maanta wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha bulshada Mudane Bashiir maxamed Jaamac iyo madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa ay si wada jir ah booqasho ugu yimaadeen Stadium Muqdisho si loogu kuur galo xaaldaaha ay ku sugantahay”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab. Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in wasaarada arimaha bulshada ay soo dhaweysay dalabkii xiriirka Soomaaliyeed horay ugasoo baxay oo ku aadanaa in garoonka laga saaro ciidamada si shaqadii loogu talagalay loogu qabsado.


"Xiriirka Soomaaliyeed wuxuu halkan ka cadeynaya in ay jirto wada shaqeyn baaxad leh oo u dhexeysa wasaarada iyo xiriirka , waxaa uu xiriirku ogsoon yahay in wasaarad isboorti la’aanteed aan lagu guuleysan Karin in la horumariyo cayaaraha dalka, maadaama dowladnimadu ay muhiim u tahay habsami usocodka shaqaooyinka aanu wadno”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab


Waxaa uu xoghayaha guud amaan balaaran usoo jeediyay wasaarada oo uu sheegay ikn ay u ogolaatay in ay xiriirka ku wareejiso dhul ka mida dhulalka wasaaradu leedahay si uu xiriirku uga dhisto xafiisyo uu ku shaqeeyo. Xoghayuhu wxuu ka dhawaajiyay in dhismahaas la doonayo ka hor dhamaadka sanadkan in la hir geliyo.


Dhankiisa wasiir ku xigeenka arrimaha bulshada Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in wasaaradu ay soo dhaweyneyso horumarka hey’adaha Isboortiga isla markaana ya si weyn u gacan siin doonaan.


"Waxaan jeclahay in halkan aan kaga dhawaaqo in wasaarada ay ka go’antahay in ay dhowrto oo xushmeyso shurcuuda u dagsan hey’adaha isboortiga dalka iyo kuwa caalamiga ah, ka wasaarad ahaana waxaan ula diyaar nahay wax kasta oo karaankeena ah in aan ku caawino”ayuu shirka jaraa’id ka sheegay wasiir ku xigeenka oo horay uga tirsanaa garsooreyaasha xiriirka ee caalamiga ah.


Waxaa uu wasiir ku xigeenku uga mahad celiyay xiriirka Soomaaliyeed shaqada uu dalka ka hayo oo ay ka mid tahay dayac tirka garoonka Stadium Banadir oo hada wajigii hore ee dayactirkiisa lasoo gabagabeeyay qarashka ku baxayana ay dabooshay hey’ada FIFA ee maamusha kubada cagta aduunka.


Dhulka la siinayo Xiriirka.


Isagoo ku hadlaya macaga wasaaradiisa ayaa mudane Bashiri maxamed Jaamac waxaa uu sheegay in wasaaradu ay mid ka mida dhulal ay ku leedahay magaalada Muqisho ku wareejin doonto xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta si uu uga dhisto xarunbtii uu ku shaqeyn lahaa.


Waa markii ugu horeysay ee dowlad Soomaaliyeed ay ku dhawaaqdo in xiriirka ay ku wareejineyso dhul banaan oo gudaha magaalada ah oo uu xiriirku ka hirgeliunayo xafiisyadii lagu shaqeyn lahaa. Xireiirka ayaa hada dagan xarun weyn oo kiro ah laakin wuxuu doonayaa in uu yeesho xafiis aan kiro ahayn arrintaana waxaa ku garab galeysa wasaarada arrimaah bulshada oodhul u balan qaaday.


Dib u dhiska Stadium Muqdisho


Dhanka kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in wasaaradu ay xiriir la sameysay dowlada Shiinaha oo ah dowladii Soomaaliya u dhistay meelo muhiim ah oo ay ka mid tahay stadium Muqdisho si mar kale uu shiinuhuu di b u dayac tir xarumahaas ugu sameeyo.


"Inkastoo dowlada shiinuhu ay mabda’ ahaan naga aqbashay codsigeena ku aadan dib u dhiska dhismayaashii ay horay noogu dhiseen ee hada bur brusan hadana wali arrintaas wadahadalkeedu ma dhameystirna oo wuu socdaa, waxaana kulanka xiga ee dowlada shiinaha aanu la yeelaneyno aan ku marti qaadi doonaa Xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed iyo guddiga Olombikada”ayuu yiri bashiir Maxamed Jaamac.


Dhanka wasaarada waxaa booqashadii lagu tagay Stadium Muqdisho ku matalayay wasiir ku xigeenka wasaarada Bashiir Maxamed Jaamac, agaasimaha guud Aweys Xadaad iyo Saacid Maxamed halka xiriirka Soomaaliyeed ay barnaamijkaa ku matalayeen guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble, Xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab, guddoomiyaha guddiga tartamada xiriirka Cali cabdi maxamed (Cali Shiine) iyo ku xigeenka xoghayaha guud Abuukar Islow Xasan.


Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment