Carrick oo laga reebay xulka Ingiriiska iyo Jenas oo looga yeeray.!!

Tuesday September 02, 2008 - 11:01:02
1 Comments
3164
Shaafici Muxyidiin
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka qaranka INgiriiska iyo kooxda Manchester United Michael Carrick ayaa laga saaray liiska ciyaartooyda xulka qaranka INgiriiska.

Michael Carrick ayaa laga saaray liiska ciyaartooyda xulka qaranka INgiriiska ee ciyaarta saaxiibtinimo la yeelan doona wadanka Czech Republic, kaddib markii ciyaaryahankan uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray ciyaartii galabta kooxdiisa Manchester ay 1-1 la gashay kooxda Newcastle United.

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa cadeeyay in Carrick uu muddo laba todobaad ah garoomada k.cagta ka maqnaan doono, wuxuuna sheegay in ciyaaryahankii hore ee kooxda Tottenham uu seegi doono kulanka saaxiibtinimada ee habeenka arbada ah Ingiriisku uu garoonka Wembley kula ciyaari doono wadanka Jamhuuriyadda Czech.


Tababaraha xulka qaranka Wadanka Ingiriiska Fabio Capello ayaa markii uu soo baxay warka sheegay in Carrick uu soo gaaray dhaawac uu isla markiiba ku dhawaaqay in booskiisa uu soo buuxin doono ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxa Tottenham  Jermaine Jenas oo uu hore ugu sheegay inuu sugto waqtigiisa ciyaaraha caalamiga ah, waxaana Capello uu si taxadir leh uga fiirsanayaa sidii ciyaartooyda wadanka Ingiriiska ee xirfadahooda iyo wanaagooda bannaanka soo dhigtay uu u kala dooran lahaa.

Carrick oo ka xun inuu ka haro liiska ciyaartooyda Ingiriiska ee ciyaarta Czech ayaa la sheegay in mar kale lagu celin doono raajada, waxaana dhaqaatiirta kooxda United ay sheegeen in dhaawiciisu uu yahay mid sahal ah oo aan u baahneyn qalllin, isla markaana uu ugu badnaan qaadanayo muddo laba todobaad ah.



Leave a comment