FC Banadir oo u dabaal degtay guusheeda

Saturday December 22, 2012 - 10:29:49
0 Comments
2644
Super Admin
FC Banadir oo hanatay horyaalnimada sanadka 2012 ee tartanka horyaalka heerka 3-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa u dabaal degtay guusheeda munaasabad ka dhacday baarka weyn ee LIDO Seafood ee ku yaala xeetba Liido ee magaalada Muqdisho shalay jimcihii, munaasabadaas oo ay kasoo qeyb galeen xildhibaano, madaxda xiriirka kubada cagta,ciyaartoy iyo taageerayaal.

Dr.Xasan Macalin oo ah mudane ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya ahna masuulka maalgeliyay munaasabadan ayaa ugu horeyn ku amaanay kooxda FC Banadir sida ay ugu go’doomeen wax kastana ugu hureen tartankii dhacay taas oo keentay in ay ku guuleystaan horyaalkii heerka 3-aad ee soo dhamaaday bartamihii bishan.

"Waxaan idinkugu hambalyeynayaa guusha aad gaarteen iyo in aad noqoteen horyaalkii sanadkan ee tartanka heerka sadexaad ee Soomaaliya—waxaan idinku boorinayaa in aad sii laba jibaartaan dadaalkiina, waxaana idin rajeynayaa in sanadka dambena aad sidan oo kale ku guuleysataan horyaalka heerka Labaad ee aad ka qeyb geli doontaan”ayuu xildhibaanku u sheegay ciyaartoyda kooxda FC Banadir.


Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka ,islamarkaana ah madaxa tartamada ayaa xaflada ka sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad usoo dhaweynayo in munaasabad ceynkan oo kale ah oo dhiir gelin ah loo qabto koox qaaday horyaal sidan oo kale.

"Aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan cod dheer ku sheegayaa in xiriirku uu aad ugu gallad hayo Dr.Xasan Macalin oo noqday masuul dowladeed kii ugu horeeyay oo dhiiri gelin u sameeya wiilashan yaryarka ah oo kale—waxaan ku boorinayaa masuuliyiinta kale ee dowlada Soomaaliya iyo ganacsataduba in ay dhab u qaataan kubada cagta ayna fahmaan doorka weyn ee kubada cagta Soomaaliyeed ay kasoo cayaartay dhanka nabada,dib u heshiisiinta iyo is dhex galka bulshada”ayuu Cali Shiine ka sheegay munaasabada dhiiri gelinta ah ee loo sameeyay kooxda FC Banadir.

Dhankiisa Mustaf Cilmi Afrax oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka ahna guddoomiyaha guddiga dhalinyarada oo hadal gaaban ka jeediyay munaasabada ayaa xusay in ciyaartoyda kooxda FC Banadir ay aadaab ahaan aad u wanaagsanaayeen intii tartanku socday, isla markaana ay muteysteen in lagu abaalmariyo munaasabadan heerka sare oo kale ah.

"Marka hore waxaan amaan usoo jeedinayaa wiilashan yar yar ee edebta muujiyay iyo cayaar wanaaga , marka labaadna waxaan ugu hambalyeynayaa guusha muuqata oo ay gaareen”ayuu hadalkiiisa sii raaciyay Mustaf Cilmi Afrax oo horay ciyaatoy qaran usoo noqday.

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdullaahi Abow Xuseen ayaa munaasabada ka sheegay in uu aad usoo dhaweynayo fahamka uu xildhibaan Xasan macalin fahmay awooda kubada cagtu ku dhex leedahay bulshada.

"Muddo ka badan 20 sanadood kubada cagta Soomaaliya xaga siyaasiyiinta iyo ganacsatada kama aanay helin xataa dhiiri gelin iskaba daa wax ay sponsor gareeyaane—hada waxaan ku rajo weynahay in siyaasiyiin badan iyo ganacsato ay soo raaci doonaan wadada Xildhibaan Xasan macalin oo kale”ayuu guddoomiye ku xiugeenku ka sheegay munaasabada. Waxaa uu hambalyo u diray guddoomiyaha, macalinka, ciyaartoyda iyo dhamaan taageerayaasha kooxda FC Banadir.


Photos: By Omar Ibrahim SFF Media

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment