Khabiirka dhigaya cows-ka Artifishalka Stadium Banaadir oo Muqdisho yimid

Saturday December 01, 2012 - 18:30:30
0 Comments
5021
Super Admin
Hadii aadan waligaa ka bixi dalka oo aad horay u daawan jirtay cayaaro dibada ah oo lagu cayaarayo garoomo caalami ah oo leh cows-ka Artifishal-ka, waxaa uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu kuugu bishaareynayaa in dhawaan aad cagahaaga dhigi doontid garoon leh cows-kaas oo dalkaaga hooyo lagaaga sameeyay.

Hadii garoomada noocan oo kale ah aad shaashadaha Teleefishinada oo keliya ka arki jirtay insha Allah mar dhow ayaad adigoo dhex fadhiya garoon noocaas oo kale ah cayaar ku daawan doontaa.

Khabiir ka socda shirkada dhismaha garoomada kubada cagta ee dagan dalka Holland Greenfield  ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu u gogolo cowska garoonka oo uu ku socdo dhisme  lagu maal gelinayo mashruuca FIFA ee {WIN IN AFRICA WITH AFRICA} kaasoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii ugu dambeeyay Africa eeka faa’iideysanaya sida uu sheegay xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Khabiirkan dhinaca farsamada Goglista Cows-ka ah ee lagu magacaabo Lex Vander  iyo madax ka socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ay hogaaminayeen xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin guddiga fulinta ahna madaxa tartamada Cali Cabdi Maxamed (Shiine) ayaa maamuusay bilaabida howsha dhigista cows-ka munaasabad ka dhacday garoonka gudihiisa maanta.

Mr. Lex vander ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho Jimcihii lsoo dhaafay waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cade kusoo dhaseeyay xoghayaha Guud Cabdi Qani iyo madaxa tartamada Cali Shiine.

"Maanta halkan ayaan joognaa si aan u hubiyo aas aaska iyo shaqada dhismaha ee horay usii socotay kaddibna waxaan bilaabi doonaa howsha dhigista cows-ka—sida iiqu qoran jadwalka ay FIFA isoo siisayna waxaan ku rajo weynahay in dhigista cowska aan soo dhameeyo 20-ka bisha December”ayuu yiri khabiirka oo horay ugusoo guuleystay cows dhigista garoomo badan oo ku yaala Africa.

Madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, masuuliyiinta Shirkada EMECO ee la siiyay qandaraaska local-ka ah iyo khabiirka ayaa yeeshay kulan saacado qaatay oo looga hadlayay arrintan sidii loogusoo gabagabeyn  lahaa mudadii loo qorsheeyay, iyadoo madaxda xiriirku ay sheegeen in ay waajib tahay howsha in waqtiga loogu tala galay ay kusoo dhamaato.

"Shaqada dhismaha waa in lagusoo gabagabeeyo mudada todobaadyada ah  ee khabiirku sheegay—ma aqbali kareyno in shaqadu ka dib dhacdo mudada hada u qorsheysan—FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxay doonayaan in ay helaan garoonka oo cowsku saaran yahay bishan 20-keeda”ayuu yiri xoghayaha guud oo kulankaa ka hadlay.

Xoghayaha guud waxaaa uu intaa ku daray in marka khabiirku soo dhameeyo cows dhigista  kaddib ay shirkada EMECO bilaabi doonto dhismaha qeybihiisa kale sida VIP-da, dhismaha weyn ee ciyaartoyda qaranku ay ku xaroon doonaan, Baar garoonku yeelan doono iyo qeybaha kale ee dhismaha wareega ka harsan”ayuu yiri xoghayuhu.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in qeybta VIP-da ay ka koobnaan doonto laba qeybood oo kala ah qeyb ay madaxda sare ee dalku fariisan doonaan sida madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, guddoomiyaha xiriirka iyo hadii ay mustaqbalka dalka yimaadaan maddax ka socota FIFA ama CAF, halka qeybta kalana ay fariisan doonaan masuuliyiinta kale ee dowalda iyo kuwa xiriirka.

"Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu aad usoo dhaweynayaa talaabada FIFA ku horumarineyso kubada cagta Soomaaliya, FIFA waxay mar kasta garab taagneed Soomaaliya oo ah dal dagaalo si ba’an u halakeeyeen—FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku taamayeen in mar uun ay arkaan horyaalka Soomaaliya oo lagu qabanayo garoon Stander caalami ah leh waana dheceysa taansi mar dhow insha Allah”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud Mr.Cabdi Qani Saciid Carab maanta.

Waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad ugu rajo weynyahay in cayaaraha caalamiga ah uu ku marti geliyo dalka gudihiisa laga bilaabo sanadka dambe waxaase taasi ay imaaneysaa hadii xaalada amaan ee dcalka soomaaliya ay hagaagto.

"Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu balan qaadayaa in shirkada EMECO iyo khabiirkanba uu  la garab istaago wax kasta oo caawimaad ah si uu ugu fudueeyo in ay howsha ugu gutaan si wanaagsan uguna dhameeyaan waqtiga loo qorsheeyay ”ayuu xoghayaha guud ku yiri war saxaafadeedkiisa.

Sababo la xariira dagaalo ka dhacayay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa hakaday dhismihii garoonkan dabayaaqadii sanadkii 2009-kii kaddib markii mintidiinta Soomaaliya ka dagaalnata ya la wareegeen garoonka islamarkaana qaateen dhamaan qalabklii dhismaha ee yaalay.

Howsha dhismaha xiligaas 50% ayaa la dhameystiray laakin wax kasta kaddib waxay noqdeen in meel Eber ah lagasoo bilaabo.

Hirgelinta garoonkani waxaa ay xitaa kor u qaadi doontaa farsamada ciyaartoyda qaranka oo dhibaato ku qabay ku cayaarista garoomada noocan oo kale ah mararka ay cayaaraha dibadaha aadaan oo cows-ku uu la sibxan jiray maadaama aysan kusoo tababar qaadan garoon cows leh laakin kada kaddib is badal weyn sameyn doona oo xaga horumarka ah awoodna u yeelan doona in ay garoomada noocan oo kale ah la qabsanaan sidii ay doonaana ugu cayaaraan.  

Hadii aad tahay ciyaartoy ku nool  Yurub ama waqooyiga Ameerika rabtidna in aad matasho qarankaaga address-yada macalimiinteena Yurub iyo North America ka hel linkigan oo la xariir kaddib:  http://somsoccer.com/en/articles/423/Somali-FA-appoints-Europe-North-America-representatives

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment