Xiriirka K/cagta Jabuuti oo soo gabagabeeyay horyaalada gudaha

Sunday November 18, 2012 - 16:34:50
0 Comments
2177
Super Admin
Talaabadiisii ugu horeysay isagoo ah guddoomiyaha xiriirka kubada cagta ee dalka Jabuuti ahna xeer ilaaiye FIFA iyo Macalinka garsoore yaasha Africa ee CAF Mr. Suleymaan Xasan Waaberi waxaa uu maanta oo Axad ah hogaamiyay munaasabad balaaran oo lagusoo gabagabeynayay horyaalada kubada cagta dalka Jabuuti ee heerarka A, B iyo C

Munaasabadii maanta ayaa waxaa ay isu keentay tiradii ugu badneyd oo ka qeyb glayaal ah oo mar qura isugu yimaada munaasabad kubada cagta ah dalka Jabuuti muddo sanado ah waxaana dadkii ka qeyb galay ka mid ahaa wasiirka Isboortiga dalka Jabuuti Dr. Jaamac Cilmi Cukiye, Xubnaha guddiga fulinta xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti, shirkado iyo hey’ado dowli ah oo sponsor gareeya horyaalka, garsooreyaal, ciyaartoy, guddoomiyeyaasha 58-ka naadi ee dalka iyo saxafiyiinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Intii ay socotay munaasabada ayaa waxaa lagu bixiyay koobab, bilado, heerar kala duwan ah iyo shahaadooyin la guddoonsiiyay kooxaha ku kala guuleystay sadexda horyaal, shirkado iyo shaqsiyaad muteystay.

Khudbadii uu ka jeediyay munaasabada ayaa guddoomiye Suleymaan Xasan Waaberi waxaa uu ku sheegay in uu aad ugu mahad celinayo 12 hey’adood iyo shirkado kaalin weyn ka qaatay horyaalka dalka oo uu sheegay in shirkadahaasi ay qeyb weyn ku leeyihiin horuymarinta kubada cagta dalka.

Shirkadaha uu guddoomiyuhu carabaabay ayaa waxaa ka mid ah Jabuuti Telecom, warshada biyaha ee Tadjourah, Dekeda caalamiga ah ee Jabuuti iyo ciidamada Ilaalada Jabhuuriga oo qudhoodu maalgeliya mid ka mida kooxaha waaweyn ee heerka 1-aad.


"maanta farxad aad u weyn ayay ii tahay ka guddoomiye ahaan in aan shahaadoyin iyo bilado guddoonsiiyo shirkadaha iyo hey’adaha dowliga ah ee maalgeliya kooxaha horyaalka qaarkood—shirkadahaas la’aantood horumarka aanu iminka gaarnay maanu gaarneen, waxaana ku boorinayaa in ay sii wadaan maalgelinta ay ku sameynayaan kooxaha horyaalka taas oo aan ku rajo weynahay in ay sare usii qaadi doonto horumarka kubada cagta ee dalka”ayuu munaasabada ka sheegay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta ee dalka Jabuuti Mr Suleymaan Xasan Waaberi.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in munaasabada xiritaanka horyaalada ay ahayd in la qabto dhowr bilood ka hor laakin xiriirka oo aan wax hogaan ah lahayn tan iyo bishii June awgeed ay dib ugu dhacday munaasabadu laakin maanta lagu guuleystay in la qabto.

Waxaauu guddoomiyhuhu aad ugu mahad celiyay wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Dr Jaamac Cilmi Cukiye oo uu sheegay in uu door weyn ku leeyahay sare u qaadista sportiga dalka guud ahaan gaar ahaana kubada cagta oo uu sheegay in ay tahay hiwaayada koobaad ee Wasiirka Isboortiga.

"Mudane wasiir maanta aad ayaan isugula weynahay in aan ku guddoonsiiyo biladan qaaliga ah oo ah tan ugu qiimaha badan biladaha uu bixiyo xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti—waxaana halkan ka cadeynayaa mudane wasiir in aad muteysatay biladan sare oo kale in lagu guddoonsiiyo sababtoo ah sida ay kaaga go’antahay horumarinta kubada cagta dalka Jabuuti”ayuu yiri Mudane Guddoomiye Suleymaan Xasan Waaberi markii uu wasiirka guddoonsiinayay bilada ugu sareysa ee kubada cagta dalka Jabuuti maanta.

Wasiirka ayaa dhankiisaaad ugu mahad celiyay guddoomiyaha dhawaan la doortay Suleymaan Xasan Waaberi oo uu sheegay in muddo dheer oo lasoo dhaafay uu kaalin weyn oo muuqata ku lahaa horumarinta kubada cagta dalka Jabuuti.

"ka wasiir ahaan waxaan halkan ka qirayaa in wasaaradu ay si hoose oo saaxiibtinimo ku dheehan tahay ula shaqeyn doonto dhamaan heyt’adaha Isboortiga dalka Jabuuti oo ay kubada cagtu tahay tan ugu shacbiyada badan”ayuu munaasabad ka sheegay wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Dr. Jaamac Cilmi Cukiye.

Munaasabadii maanta oo Axad ah lagu qabtay xarunta xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti ayaa kusoo beegemnysa 8 maalmood uun kaddib markii guddoomiyaha dhalinyarada ah Suleymaan Xasan Waaberi loo doortay in uu hogaamiyo kubada cagta dalka Jabuuti isagoo horayna u ahaa Xeer ilaaliye FIFA iyo CAF iyo waliba sidoo kale macalinka garsoorka ee Qaarada Africa.








Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment