Xulka Qaranka oo tababar loogu qaadayo dalka Uganda

Tuesday October 30, 2012 - 09:59:42
0 Comments
3397
Super Admin
C/qani Saciid Carab
Xulka Qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee lagu naaseedo "Ocean Stars" ayaa loo qaadi doonaa dalka Uganda si ay tababar ugusii qaataan ka hor cayaaraha CECEFA ee dabayaaqada bisha November ka furmaya magaalada Kampala, sidaasi waxaa sheegay masuul sare oo ka mida xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed soo saaray maanta oo salaaso ah.

Xoghayaha guud waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu 7-da bisha November qaban doono xaflad weyn oo lagusoo gababageynayo horyaalka Heerka 1-aad iyo koobka General Daa’uud iyadoo kooxduna amba bixi doonto 8-da bisha. 

Horyaalka waxaa uu soo gabagaboobayaa 31-ka bishan halka koobka General Daa’uud uu isna dhamaan doono 6-da bisha. Horyaalka waxaa ku guuleysatay Elman inkastoo koobka General Daa’uud ay ka hartay kaddib markii kooxda Heegan ay ka adkaatay. Heegan kaalinta labaad ayay iyaduna horyaalka kaga jirtaa halka Jeenyo ay kaalinta sadexaad soo tiigsaatay.

Xoghayaha guud waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu u yeeray 7 ka mida ciyaartoyda Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool si ay xulka qaranka ugu biiraan, waxaana ka mida laba ka imaan doonta dalka Holland, labo ka imaan doonta dalka Uk, labo ka imandoonta dalka Mareykanka iyo mid ka imaan doona dalka Kuwait.

"labaatameeeyo ciyaartoy Soomaaliyeed ay ayaa ku nool dibadaha waxaana ay xaq u leeyihiin in ay qarankooda ku matalaan cayaaraha caalamiga ah, taasina waa sababta aan ugu yeernay ciyaartoydaas in ay ku biiraan qaranka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab maanta.

Waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu leeyahay tababarayaal iyo wakiilo xaga maamulka ah oo u jooga wadamo badan iyadoo ujeedada loo magacaabayna ay ahayd in kubada cagta Soomaaliya ay kasii socoto wadamada caalamka oo dhan oo boqolaal kun oo Soomaaliyeed ay u qexeen wixii ka dambeeyay markii Soomaaliya dagaaladu ka bilaabmeen in ka badan 20 sanadood ka hor.

Xoghayaha guud waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku sheegay in laba arrimood awgood xulka qaranka loogu qaadayo dalka Uganda waqti badanka hor xiliga cayaaruhu furmayaan. "Garoonkii Stadium Banaadir dhisme ayaa ka socda ay FIFA maal gelineyso halka Stadium Muqdisho ay ciidamo dagan yihiin sidaa daraadeed waxaan u baahanahay garoon ay ciyaartoydu ku tababar qaataan muddo 15 maalmood ah cayaaraha ka hor”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid carab.

"Cimillada Uganda aad ayay uga duwan yihiin Soomaaliya sidaa daraadeed waxaanu dooneynaa in ciyaartoydeenu lasii qabsadaan cimiladaas qabowga ah—dhaqqaale ahaan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta howlihiisu waxaa ay ku tiirsanyihiin FIFA dhaqaalahaas oo aan dabooli Karin baahideena oo dhan laakin waxaan mar kasta isku daynaa in aan la saan qaadno oo aanan ka harin xiriirada kale ee dhigeena ah oo heysta kaalmada dowladohooda iyo ganacsatada gudaha dalalkooda”ayuu yiri xoghayaha guud.

"Waa FIFA oo keliya halka aanu kaalmada ka helno taas oo lagu maalgeliyo dhamaan howlaha aan qabano sida horyaalada A, B iyo C iyo sidoo kale Koobka General Daa’uud, cayaaraha goballada, barnaamijyada nabadeed, koorsooyinka gudaha iyo dibada iyo safarrada xulka qaranka”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud oo tix raacayay hadalo wakaaladaha qaar qoreen oo ay ku sheegeen in ganacsato Soomaaliyeed ay gacan kageysteen barnaamijkii QORIGA DHIG KUBADA QAAD ee boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah hubka looga dhigay looguna jiheeyay dhanka sportiga.

Waxaa uu xoghayaha guud sheegay  in madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay aad ugu rajo weyn yihiin in ururka midowga Africa uu ka dhabeyn doono balan qaadkiisii ahaa in ay ciidamadiisu ka guurayaan garoonka Stadium Muqdisho bisha December ee sanadkan. "AMISOM waxaaay qabsadeen xili aan la cayimin oo ka mida December sida afhayeenkoodu uu sheegay goor sii horeysay waxaana aad ugu rajo weynahay in uu balankaasi fuli doono”ayuu xoghayaha guud ku sheegay war saxaafadeedkiisii maanta oo Saslaaso ah.

Dhanka kale macalinka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee Magaalada London Cabdirashiid Islow Axmed ayaa sheegay in labo ka mida ciyaartoydiisa ay u diyaar garoobayaan in ay u amba baxaan Uganda iyagoo qeyb ka ah xulka qaranka Soomaaliyeed.

"Sanadkii hore waxaan dirnay 3 ciyaartoy waxaana ay qabteen shaqo wanaagsan hadana waxaanu direynaa ciyaartioy kale---inta badan ciyaartoyda aanu heyno waxaa ay da’ ahaan ka yaryihiin 13 sanadood waxaana u diyaarineynaa cayaaraha U 17 sanadada soo socda”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay macalin Cabdirashiid Islow Axmed oo qudhiisu qeyb ka ahaan doona safarka Kampala sanadkan.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment