Banadir oo 2-0 kaga adkaatay Horseed

Sunday September 30, 2012 - 19:40:22
0 Comments
2636
Shaafici Muxyidiin
Naadiga Banaadir Sports Club oo ka mida naadiyada waaweyn ee u hanqal taagaya in ay ku guuletsyaan koobka horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya ayaa maanta 2-0 ugu awood sheegatay kooxda Horseed, si ay usoo hiigsato kaalinta 3-aad ee tartanka.


Wiilasha Banaadir ayaa inta badan cayaarttii maanta awoodeeda lahaa inkastoo kuwa Horseed ay mararka qaar isku dayayeen weeraro rogaal celis ah in ay ku qaadaan goosha Banaadir, waxaana cayaarta qeybteedii hore ay ku dhamaatay 0-0.

Laakin markii qeybta labaad la isugusoo laabtay ayaa koox waliba ay sii laba jibaartay weerarada ay ku qaadeysay dhanka kasoo hor jeeda, waxaase weeraryahanka kooxda Banaadir Caadil Nuur Cali u suuragashay in kooxdiisa uu u dhaliyo laba gool daqiiqadihii 76-aad iyo 90-aad ee qeybta dambe ee cayaarta oo ugu dambeyntiina kusoo idlaatay 2-0 ay ku adkaadeen wiilasha Naadiga Banaadir oo hada kaalinta 3-aad soo galay iyagoo ceyrsanaya Heegan oo wadata 15 dhibcood iyo Elman oo 20 dhibcood ku hogaamineysa tartanka.

"Wiilasheydu cayaar wanaagsan oo xeeladeysan ayay maanta soo bandhigeen waxaana aad ugu rajo weynahay in kulamada soo socdana ay iga farxin doonaan”sidaas waxaa markii cayaartu dhamaatay kadib saxaafada u sheegay macalin Cabdiraxmaan Macalin Axmed oo loo yaqaano (Tree) oo ah macalinka kooxda Banaadir.

Sida ku cad isku aadka tartanka Barri oo Isniin ah cayaar ma jirto waxaase Talaadada is arki doona Elman oo horyaalka difaacaneysa iyo LLPP halka Arbacadana ay wada cayaari doonaan Dekedaha iyo Badbaado.

Sanadkan waa sanadkii labaad ee kala horeynta horyaalka Soomaaliya lagusoo daabacayo website-ka xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA taariikhda inta la ogyahay, iyadoo natiijada cayaar kastana lagu update gareeyo 10 daqiiqo gudohood marka cayaartu dhamaato.

Si aad u aragto kala horeynta horyaalka riix linkiga hoose ee Website-ka FIFA.

http://www.fifa.com/associations/association=som/nationalleague/standings.html

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment