Macalimiin Soomaaliyeed oo Dar Es Salaam kaga qeyb galaya tababar heer FIFA ah

Wednesday September 19, 2012 - 00:04:56
0 Comments
2314
Shaafici Muxyidiin
Qaar ka mida macalimiinta heerka sare ee garsoorka kubada cagta Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania halkaas oo ay kaga qeyb galayaan tababar macalinimo oo FIFA bixineyso noociisuna yahay( FIFA Futuro II refereeing course).


Madaxa xafiiska waxbarashada ee xiriirka kubada cagta ahna macalin garsoorka Soomaaliya Cali Maxamed Axmed oo ka mida macalimiinta tababarka ku jira ayaa sheegay in koorsadan oo kale ay macno weyn ugu fadhiso Soomaaliya oo kubadeeda cagtu ay hada kasoo kabsaneyso dagaalo sanado badan socday.

“Koorsada nooceedu waa Futuro II waxaana ay ka kooban tahay laba qeybood oo kala ah koorso la siinayo macalkimiinta Fitness-ka ama dhismaha jirka iyo koorso ay qaadanayaan macalimiinta casharada bixiya waxaana ka qeyb galaya wadamada Af Ingiriiska ku hadla ee qaarada Africa” ayuu yiri Cali siciid oo sheegay in koorsadani socon doonto muddo lix maalmood ah 17-22 September.

Mudada koorsadani socoto ayaa macalimiinta ka qeyb galaya waxaa ay qaadan doonaan duruus ku saabsan sidii loo horumarin lahaa hgarsoorka Africa ka hor cayaaraha aduunka ee 2014-ka si la isugu dayo in Africa ay cayaarahaas la tagto garsooreyaal tiro ahaan ka badan kuwii hore kana tayo sareeya.

“FIFA waxaa ay dadaal badan ku bixineysaa sare u qadista tirada iyo tayada garsoorka Africa”ayuu yiri madaxa wax barashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Maxamed Axmed (Cali Siciid) oo sheegay in macalimiinta kale ee tababarka kala qeyb qaadanaya ay kala yihiin Cabdi Cabdulle baasaale oo ahaa garsoore caalami ah oo Africa ka caan ahaa iyo Salaad Cusmaan maxamed oo isna hore garsoore caalami ah u ahaan jiray hadana macalimiin ah.

“Koorsada noocan oo kale ah muhiimad weyn ayay u leedahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo sanadihii lasoo dhaafay xoog badan saarayay xaga sare u qaadista aqoonta gaar ahaana dhinacyada garsoorka, tababarayaasha iyo maamulka, waxaana markii aan dalka dib ugu laabano kaddib aan abaabuli doonaa koorsooyin badan oo aqoonta garsoorka kor loogu qaadayo”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay madaxa wax barashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Waxaa uu sheegay in dhamaan macalimiinta koorsadan ka qeyb galaya sidoo kale la barayo duruus ku aadan dhanka IT-ga maadaama muhiim ay u tahay in xiliyada ay tababarada dalalkooda ku bixinayaan oo looga baahan yahay qalab casri ah in ay tababarada ku bixiyaan.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment