Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid :wiilasheyda koobka ayay qaadayaan.

Wednesday December 28, 2011 - 11:30:47
0 Comments
2824
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxuyadiin Xasan Jurus oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu u aqoonsaday guddoomiyaha ugu kubad jacaylka badan tartanka degmooyinka ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay in wiilashiisu ay ku guuleysan doonaan koobka degmooyinka marka cayaarta kama dambeysta ah ay jimcaha la yeeshaan degmada Dharkeynley.


“Maanta aad ayaan u faraxsanahay, kooxdeyda waxay soo gaartay final sidii aan horayba ugu rajo weynaa—wiilasheydu awood ayay leeyihiin waxaana aad u rajeynayaa in ay koobka qaadi doonaan”ayuu saxaafada u sheegay guddioomiyaha degmada yaaqshiid muxuyadiin xasan Jurus kadib markii shalay kooxiisu ay rigooreyaal uga badisay kooxda degmada Wada Jir.

 

Mr. Jurus waxaa uu amaanay qaab  ciyaareedka kooxda kasoo hor jeeda ee Wadajir oo uu sheegay in ay cayaar wanaagsan soo bandhigeen isagoona dhanka kale sheegay in ay shiiqday rajadii uu lahaa gudoomiyaa kasoo hor jeeday Axmed Daaci oo horay ugu goodiyay in uu ka adkaan doono.

 

“Saaxibkey Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci wuxuu iigu goodiyay in uu tartanka iga reebi doono laakin isagi ayaan reebay waxaana usheegayaa in aad aad uga xumahay saaxibkey in aan reebnay, waxaan ka jeclaan lahaa degmo kale in aan is aragno intii aan saaxibkey isku dhici lahayn”ayuu si farxadi ku jirto u yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo kumanan taageerayaal ahi ay kor u xambaareen markii garooruhu firimbiga cayaarta dhamadkeeda ah ku dhawaqay.

 

Dhankiisa Axmed Daaci ayaa sheegay in hadii cayaar kubada cagta ah la isaga hor yimaado ay dheceyso in la guuleysto ama la guul dareysto laakin muhiimadu ay ahayd in dhalinyarada Soomaaliyeed si farxad leh ku cayaaraan si loo ilowsiiyo dhibaatootyinkii dagaalada sokeeye.

Dhanka kel guddoomiyaha guddiga sportia degmada Yaaqshiid Nuur Cali barrow oo loo yaqaano Nuur Estaro ayaa sheegay in dhalinyaradiisu muddo 4 bilood ah tababar soo wadeen taasina ay keentay in maanta heerkan ay soo gaaraan.

 

Waxaa uu Nuur Estaro intaa ku daray in maamulkiisu uu hada diyaarinayo garoon weyn oo cayaartoyda degmadu ay ku tababar qaadan doonaan iyo xarun ay dagaan isagoo yiri “waxaan kaalin weyn ka cayaareynaa horumarinta kubada cagta ee dlaka Soomaaliya”.

 

Si kastaba ha ahaatee Yaaqshiid waxaa sugeysa Dharkeynley oo iyaduna ah degmo aan la dhayelsan Karin waxaase laga dhur sugayaa jicamaha iyo wixii dhaca.

 

NB:sawirro dheeri ah booqo qeybta Englishka ee webka www.somsoccer.com/english

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment