Soomaaliya iyo Ethiopia oo bar bar dhac ku kala tagay

Saturday November 12, 2011 - 18:59:12
0 Comments
3015
Shaafici Muxyidiin
Ciyaartii ugu horeysay is reeb reebka koobka aduunka ee 2014-ka oo ay Soomaaliya iyo Itoobiya garoonka Al Xaaji Xasan Guuleed ee magaalada Jabuuti galabta ku yeesheen ayaa ku dhamaatay is mari waa 0-0 ah.


Ciyaartan oo aad u adkeyd ayaa intii ay socotay labada dhinac mid waliba isku dayay in uu gool helo laakin midna suuragal uma noqon wax kasta oo weerar iyo weerar celis la isku qaado.

Wax yar ka hor dhamaadka qeybtii hore ee cayaarta ayaa cayaaryahanka xulka Soomaaliya weerarka uga cayara ciise Abshir ay ka luntay fusad uu gool ku dhalin karay, sidoo kalana xulka Itoobiya furasad aad u qaali ah ayay iska lumiyeen waqtigaas ka hor kadib markii gool hayaha Soomaaliya khaalid Cali Mursal uu si xirfadeysan u qabtay kubad loo maleynayay in ay ka dhalaneyso oo si xoog ahna ku socotay.

Boqolaal kun oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray ayaa cayaarta ka daawanayay teleefishinka qaranka ee Jabuuti oo si live ah u tebinayay halka wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayay dadweyne aad u farabadan oo raadiye yaal yar yar ah dhagaha ku hayay  waxaana iyaguna si live ugala socdeen idaacadaha bar-kulan iyo Shabeele.

Si kastab ha ahaatee xulka qraanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Axada ay u baqoolaan dalka Itoobiya halkaas oo cayaarta labaad ee is reeb reebka ay kula yeelan doonaan dhigooda Itoobiya 15-ka bishan.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa dalka Jabuuti u adeegsaday gurigiisa maadaama amaanka oo xun iyo garoomo caalami ah oo aan laga helin dalka Soomaaliya awgood ay xiriirka ku qasbanaatay dalkeena labaad in uu adeegsado.

Somali Football Media Department

+252699 969815 Cell

+2521 600601 Fax

+2521 235057 Office

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment