Xoghayaha xiriirka oo isbitaalka lagasoo saaray

Friday October 07, 2011 - 18:16:44
0 Comments
2372
Shaafici Muxyidiin
Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo Salaasadii ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo magaalada Muqdisho ka dhacay ayaa lagasoo saaray isbitaalka shalay maqribkii.


War saxaafadeed uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada catu soo saaray maanta oo Jimco ah ayaa lagu sheegay in caafimaadka xoghayuhu uu yahay mid aad u wanaagsan uuna hada ku nasanayo gurigiisa.

“Dhawiciisu markii horaba aad ayuu u yasirnaa hadana isbitaalka waa uu kasoo baxay, waxaana u rajeyneynaa dadkii kale ee Soomaaliyeed ee weerarkaa ku waxyeeloobay in Allah uu bogsiiyo kuwii ku dhintayna naxariistii jano ka waraabiyo”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka uu xiriirka Soomaaliyeed soo saaray maanta oo Jimco ah.

Masuuliyiinta sar sare ee xiriirka oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Siciid Maxamuud Nuur ayaa hotelka saxafi shir kula lahaa masuuliyiin ka tirsan maamul gobaleedka Galmudug oo ay ka wada hadlayeen barnaamijyo xaga horumarinta kubada Cagta ah oo uu xiriirku doonayo in gobalkaas lagu qabto markii qof ismiidaamiyay uu gaarigii uu watay ku weeray xarun hotelka ku dhow oo wasaarada wax barashadu ay dagan tahay.

Xiligaas arday Soomaaliyeed oo boqolaal gaaraya ayaa ku sugnaa xarunta si ay usoo eegtaan natiijooyinka imtixaan laga qaaday si ay deeq wax barasho ay uga helana dalka Turkiga.

Somali Football Federation Media Department

 

+2521 235047 Office.

+25250 930226 Office

+2521600601    Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment