Ronaldo oo qarka u saan inuu ku biiro Kooxda Manchester City!!

Monday September 01, 2008 - 13:17:30
1 Comments
2206
Shaafici Muxyidiin
Kooxda K/cagta ee Manchester City ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u tahay in ay la saxiixato ruug cadaaga caanka ah laacibkii hore ee wadanka Brazil ee Ronaldo..

waxaana sida ay qortay jariidada The Sun  kooxda City ay  dooneysaa in ay si lama filaan ah ula saxiixato laacibkaas oo ku jira xaalad aad u adag, kaddib marii ay dhaawacyo halis ah la soo gudboonaadeen sanadkii hore, kuwaas oo sababay in magaciisu uu ka tir tirmo saaxaafadda Sports.

Madaxa guddiga fulinta ee kooxda Manchester City nin la yiraahdo  Garry Cook ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay dooneyso saaxiixa laacibka wadanka Brazil ee Ronaldo, kaddib markii bishii hore ay ku fashilmeen in ay la soo saxiixdaan laacibkii hore ee kooxda Barcelona Ronaldinho oo ku biiray kooxda wadanka Talyaaniga ee AC Milan.

"Waxaan sugeynaa in aan xaqiijino inuu ka soo kabsaday dhaawicii soo gaaray ciyaaryahan Ronaldo, waxaana diyaarinay booskiisa naadiga Manchester City, runtiina waan u baahanay in aan helno laacibkaas wadanka Brazil" ayuu yiri Cook oo intaas ku sii daray "waxaan xiiseyneynaa in aan helno laacibkaas, waana sugi la'nahay ku soo biiristiisa kooxda Manchester"

31-jirka wadanka Brazil oo sadex jeer ee hore noqday ciyaaryahanka caalamka ugu fiican ayaa maalmala soo socda ku soo biiri doona kooxda City oo ay u socdaan wada hadallo natiijadoodu soo dhowdahay, iyadoo dhinaca kale aysan City soo bandhigin qiimaha rasmiga ah ee ay ku soonayaan laacibkaas.



Leave a comment