Elman oo noqotay horyaalka Soomaaliya ee 2010-2011

Friday April 22, 2011 - 09:40:52
0 Comments
3827
Shaafici Muxyidiin
Kumaan kun taageerayaal ah oo la oran karo waa tiradii ugu badneyd ee fagaarayaasha sportiga isugu timaada tan iyo horyaalkii 28-aad ee lagu qabtey garoonka Da'da ah ee Coni Stadium, ayaa shala galab u soo xaadirtey kulan ciyaareedka Elman iyo Banaadir telecom,kaasi oo lagu qiyaasi karay inuu la mid ahaa Derby De Italia ee labada Milan ama kulankii Copa Del Rey Final ee habeen hore ka dhacay Mestalla Stadium.


Elman Fc oo hogaanka 30-dhibic ku horkeceysay ayaa garoonka iskeentay iyadoo ujeedadu ay ahayd xitaa hal dhibic in ay kasoo qaado B/telcom maadaama ay tahay koox weyn oo horyaalka heysay Elmana ay u baahneyd dhibic keliya in ay horaalka ku qaado.

Macalinka Da'da yar ee Elman Fc Yuusuf Cali Nuur ayaana gudaha garoonka ka hor ciyaarta iigu sheegay in kubadda wanaagsan ay ciyaarayaan guushuna ay dhex taalo 2-da kooxood iyo wixii ay kala helaan,waxaana uu xusey in dhaliyahooda hogaanka u haya gool dhalinta ee C/casiis Hoomey uu dhaawac dartii u ciyaari karin.

Banaadir telcom ayaan waxba lasoo harin waxayna garoonka is keeneen iyagoo ku xisaabtamaya in ayka adkaadaan Elman oo lugtii horena ay kasoo badiyeen.

Walow rajada B/telcom ay lahayd ay tahay ciriirsada kaalinta 3-aad oo abaal marin lagu bixinaayo, hadana waxaaba kala weyneyd yeysan idiinku dabaal degin Elman ee ka adkaada, sidaasi waxaa ii xaqiijiyey qaar ka tirsan xidigaha B/telcom oo ciyaarta ka hor aan la kulmay.

Saacadu markay ahayad
3:35
daqiiqo ayaa kubadii uu fasaxay garsoore Nuur Maxamed C/dulle (Nuur-Roze) oo ay calanka u hayeen Saalax Cumar Abuukar iyo Maxamed Xasan Fiidow.

Elman waxay ciyaarayeen qaabka 4-4-2 walow mar marka qaar qeybta danbe 5 ay ka dhigayeen, B/telcom dhexda ayey aad u xoojiyeen waxaana macalinkoodu ku ciyaarsiiyay 4-5-1 taasina waxaa kaga dhashay gool qeybtii hore, daqiiqadii 30-aad iyadoo ciyaaryahan Sacad Saalax Xuseen uu Elman u saxiixay goolkaasi, waxaa isbedelay jawiga garoonka sawaxan,sacab iyo durbaan ayaa laga dareemayey xitaa 1-km meel u jirta garoonka lagu baratameyey,

Qeybtii koowaad sidaa ayaa lagu kala nastay,iyadoo Elman fc ku hogaamineysay 1-0. Laakiin markii qeybta 2-aad dar daaran ay labada macalin soo siiyeen xidigahooda ayey ciyaartii kululaatey Banaadir ayaa waxaa u suura gashey iney dhaliyaan goolkii bar-bardhaca daqiiqadii 66-aadkaa oo ahaa laad xor ah ama Bulusiyoone uu 20m ka dhaliyey Nuune Cabdi Abti-doon ka dib waxaa ruxmay garoonkii oo idil, sawaxan ka badan kii Elman taageerayaashooda ayaa dhacay, waxayna sababtu ahayd taageerayaasha B/telcom oo garab ka helayey kuwa SITT Daallo oo last game Maanta a yeelanaya Heegan rajana ka lahaan karey hadii Elman laga adkaado. Iyaguna Heegan ka badiyaan in ay horyalka qaadaan.

ELMAN dhowr weerar ayey qaaday wixii goolka lagu bareejeeyay ka danbeyey.waxaana xusid mudan kubad gool loo filan karey oo daqiiqadii 85-aad uu si dirqi ah ku bixiyey goolhaye C/weli Khanyare (GAATAMOW) oo ka mid ah goolhayaasha ugu wanaagsan tartanka, si kastaba 1-1 ayey ku idlaatay ciyaarta waxaana halkii ka bilowday dabaal dega taagerayaasha Elman Fc oo aad u xamaasadeysnaa mudana sugayay iney ku soo laabtaan hanashada horyaalka oo ay horey ugu guuleysteen 4-jeer iminkana xareystay kii 5-aad.

Waxaa halkii lagu bixiyey bilado iyo Koobkii 1-aad oo Elman la siiyey.halka sida uu sheegay Gudoomiyaha xiriirku abaal marinada guud lagu bixinayo xaflad marka uu dhamaado horyaalka oo hada 3 kulan ka harsan yihiin.

Koobka waxaa kooxda Elman Guddoonsiiyay guddoomiyaha Xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid maxamuud Nuur halka biladahana ay si wadajira xidigaha Elman iyo macalimiintooda Qoorta ugu sureen Gudoomiyaha GOS Aaden Xaaji.yabarow ( Wiish) Ku-xigeenkiisa Duraan Axmed Faarax. Gudoomiyaha Xiriirka & ku-xigeenkiisa Saciid Maxamuud Nuur Cali Saciid Guled Rooble iyo Dr Cabdi Ibraahim (Dr Jiyaa) oo ah Madaxa ururka caafimaadka Isboortiga.

Xiriirka kubadda cagta ayaa si weyn loogu amaani karaa Dadaalka ay u soo galeen qabashada horyaalkan,walow ay hore ugu guuleysteen horyaalada heerarka 3-aad 2-aad tartanka dugsiyada iyo koobkii taarikhiga ahaa ee gobolada.hadana horyaalka 2010-2011 ee heerka 1-aad waxaa uu ahaa mid loo dhabar adaygay marka la eego xaalada Muqdisho ay iminka ku sugan tahay iyo tirada shacabka u heelan sport iyo nabad oo qaarkood uga imaanayey daawashada horyaalka degmooyin ka fog fog Muqdisho, Ceelasha Biyaha,Lafoole. Afgooye,warshiikh.Darmooley.Balcad oo dhamaan ka tirsan gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe.

NB:Sawirro dheeri ah ka daaloco qeybta Englishka ee Webka ama gal linkiga hoose

http://somsoccer.com/english/view.php?id=398

C/xafiid C/samad Zaciimka

Cell: 2526-1-5517722

zaciimka02@hotmail.com



Leave a comment