Elman oo horay u socodkii laga hakiyay

Friday March 04, 2011 - 22:25:54
0 Comments
3828
Shaafici Muxyidiin
Kooxda Horyaalka difaacaneysa ee Banaadir Telecom ayaa galabta oo Jimco ah waxaa ay 1-0 ugu awood sheegatay kooxda Elman oo iyaduna hada horyaalka hogaamineysa. Guul daradii galabta ayaa ahayd tii ugu horeysay ee Elman ay la kulanto tan iyo intii horyaalku dib u furmay 21-kii Janaayo.


Cayaartii galabta ayaa labada kooxoodba u ahayd toodii ugu dambesay ee wareega hore oo iminka heer gabagabo ah maraya, waxaana hadii Elman ay badin lahady ay jebin lahady iskoor ah in wareega hore oo dhan ay wada badisay laakin horusocodkii waa laga hakiyay oo 1-0 ayaa dhabarka dhulka loogu dhigay, kadib markii Caadil Nuur Cali uu shabaqa Elman kubad dhex dhigay daqiiqadii 90-aad ee cayaarta.

 

Ka hor intii aanay cayaartu bilaaban ayaa waxaa labada kooxoodba la hadlay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xiriirka Cali Saciid Guuleed Rooble oo u sheegay in ay cayaar wanaag muujiyaan isla markana qanciyaan kumanaanka taageere ee cayaartooda usoo daawasho tagay.

 

“Sida lagu ogyahay taariikhda kubada cagta Soomaaliya anagu mar kasta waan ka adkaan jirnay Elman, maantana horay ayaanba u filayay in aan ka adkaan doono, aad ayaan ugu mahad celinayaa wiilasheyda”sidaasi waxaa saxaafada u sheegay macalinka 2-aad ee kooxda Banaadir Telecom Cabdiraxmaan Macalin Axmed Taree.

 

“Inkastoo aan fursado badan oo qaali ah iska luminay maalimihii hore ee tartanka hadana waxaan aad ugu han weynahay in aan ku socono wadadii kasoo kabsashada dhibaatooyinkii horay noo gaaray”ayuu yiri tababarahan da’da yar oo saxaafada la hadlay markii cayaartu dhamaatay kadib.

 

Cayaartii galabta ayaa waxaa daawanayay dadweyne aad u farabadan iyo masuuliyiin ay ka mid ahayeen guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaji yabarow  iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cali Saciid Guuleed Rooble.

 

Cayaarta waxaa dhex dhexadiye ka ahaa garsoore  hore oo caalami ah Cabdi Cabdulle Axmed Baasaale oo ay kaalayeen Cusmaan Cabdi Cusmaan iyo Qaasim Sheekh Maxamuud halkka garsooraha keydkana uu ahaa Xamza Xaaji Cabdi. Xeer ilaaliye waxaa cayaarta ka ahaa Xasan Sheylilah Cade oo horay garsoore caalami ah u ahaan jiray.

 

Ganaaxyadii la bixiyay waxaad ka arki kartaan shaxda hoose.

 

ELMAN

 

Name

Number

Date

Minute

Caution

Said Mohamed Mahmoud

12

March 4

37th

Yellow

Abdi Aziz Mohamed Ali

8

March 4

90th

Yellow

 

Banaadir Telecom

 

Name

Number

Date

Minute

Caution

Abdi Fitah Abdi Osman

7

March 4

78th 

Yellow

Abdirisak Mohamed Elmi

4

March 4

82nd 

R Card

 

NB: Hadii aad dooneysid in aad daawato sawirada cayaarta guji linkiga hoose ee qeybta Englishka ee Webkan.

 

http://somsoccer.com/english/view.php?id=369

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment