In ka badan 40 tababare oo seminaar looga furay Garowe

Monday December 20, 2010 - 14:28:11
0 Comments
2672
Shaafici Muxyidiin
Ugu yaraan 43 macallin oo kubada cagta ah kana kala yimid gobalada dalka Soomaaliya ayaa maanta u fariistay tababar aqoon kororsi ah oo socon doona muddo 5 maalmood ah.


Tababarkan ayaa waxaa bixinaya Macalinka macalimiinta Cawil Ismaaciil Maxamed iyadoo Garsoore Hore oo caalami ah Macalin Cali Maxamed Axmed uu isna Macalimiinta siinayo casharro la xariira waxyaabaha tababarayaasha ka quseeya xeerka  kubada cagta.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo furitaankii seminaarkan hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tababarkan ujeedadiisu ay tahay in lagu kordhiyo aqoonta macalimiinta taas oo qeyb ka ah dadaalada ku aadan horumarinta kubada cagta dalka Soomaaliya.

 

“Qorshaha Xiriirku waxaa uu yahay in aqoonta kubada cagta dalka oo dhan lagu baahiyo howshaasna dadka laga doonayo in  ay qabtaan waa adinka anaguna waxaan qaadanaynaa doorka nooga aadan ee ah in aan aqoon idin gelino”ayuu xoghayaha guud usheegay macalimiinta tababarka loo furay.

 

“Goballada qaarkood waxaan ku aragnay garsoore hadana koox u cayaaraya marna macalin noqonaya taasna waxaa keeneysa aqoon darrida aan iminka dooneyno in aan ka gudubno”ayuu xoghayuhu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur oo isna furitaankii seminaarkan hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in xiriirku sanadka soo socda uu badin doono tababarada iyo tartamada lagu qabanayo gobalada dalka oo dhan.

 

“Waxaan idinku boorinayaa in aad ka faa’iideysataan tababarada noocan oo kale ah”ayuu guddoomiyuhu u sheegay macalimiinta tababarka loo furay isagoo kadibna ku dhawaaqay in tababarku furanyahay.

 

Dhanka kalana tartanka kubada cagta gobalada dalka Soomaaliya oo ka soconaya magaalada Garowe ayaa galay wareegii 2-aad,waxaana lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo 31-ka bishan.

 

 Somali Football Media Department

 

+252699 969815 Cell

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment