Bariga Dhexe oo guushii labaad heshay iyo Aw Daada oo afkii juuqda gabay

Sunday November 14, 2010 - 08:34:17
0 Comments
3524
Shaafici Muxyidiin
Cayaar ka mida koobka horyaalka 6-aad ee kooxaha heerka 3-aad ee dalka Soomaaliya ayaa shalay gellinkii dambe waxaa isku haleelay kooxaha Bariga Dhexe iyo Gasco, waxaana kooxda Gasco looga nixiyay laba gool oo isku xig xigay ciyaarta oo socotay wax ka yar 20 daqiiqadood.


Laakin inkastoo kooxda Gasco ay muujisay dadaal u suura geliyay in ay dhaliso 2 gool intii qeybta hore aanay dhamaan, hadana markii la isusoo laabtay qeybtii dambe ayaa awoodeeda la tusay waxaana ugu dambeyntii lagu sabar siiyay 5-3.

 

“Waxay isku dayeen in ay bood-boodaan laakin tabartooda ayaan tusnay ilmaha yar yar,markii horana anagu waan ku tashaneynay guul intaa la eg in aan gaari doono”sidaasi waxaa shabakada wararka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta u sheegay tababaraha da’da yar ee kooxda Bariga Dhexe Maxamed Jelyaani Maleele.

 

Kooxda Gasco iyadana waxaa leyliya Tababare da’ yar oo lagui magacaabo Aw Daada, laakin tababare Aw Daada oo looga bartay hadalo bashaashnimo ku dheehan tahay ayaa shalay wax hadal ah laga waayay oo afkii ayaaba juuqda gabay kadib markii xoodiisa madaxda ciida loo geliyay.

 

Kooxda Gasco markii ugu horeysay ee garoonka ay ka laabatay iyadoo aan ceebeysneyn waxaa ay ahayd cayaatrtii furitaanka oo ay la yeelatay Geeska Afrika oo 2-2 ku dhamaatay laakin wixii ka dambeeyay waxaa ay ahayd guulo darro u jog.

 

Hada hal dhibic oo keliyay ayay kooxdani jeebka ku wadataa, waxaana iyada iyo Midnimo oo markii horaba kasoo dhacay Heerka labaad ay hada yihiin kooxaha tartanka ugu hooseeya, inkastoo midnimo ay shalay ka naxsatay kooxda CCD  oo ka mida kooxaha tartanka ugu awooda badan.

 

Galabta ayaa waxaa is arki doona kooxaha Geeska Afrika iyo Qodxaaley oo min 7 dhibcood jeebabka dambe kusoo ritay,sida aad ka dul arki kartid sawiradooda hoose, laakin la arki doonee cida ay guushu raacdo.


 

Somali Football Media Department

+25250 930226   Office Telephone

+2526 99 969815   Cell phone

+2521 600601        Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment