CCD oo hogaanka u heysa horyaalka 6-aad iyo B/dhexe oo ka adkaatay G/Africa

Tuesday November 09, 2010 - 21:53:20
0 Comments
3648
Shaafici Muxyidiin
Horyaalka 6-aad ee naadiyada heerka 3-aad ee dalka soomaaliya ayaa si xiisa leh uga soconaya garoonka dugsiga sare ee Booliska Soomaaliyeed, waxaana ilaa iyo iminka hogaanka u heysa kooxda CCD oo tartanka ku hogaamineysa 7 dhibcood.


Cayaartoyda kooxda CCD ayaa shalay 5-0 madaxa dhulka ugu dhigay dhigooda Spad intii ay socotay cayaar daawashadeeda ay kasoo qeyb galeen dad weyne aad u faraadan.

 

Barri oo Arboco ah subaxda hore waxaa wada balansan Jamhuuriyo oo leh 6 dhibcood iyo Gasco oo aan waxba heysan halka Barri galabna ay wada kulmi doonaan CCD oo hada horyaalka hogaamineysa iyo Qodxaaley oo heysata 6 dhibcood.

 

Inkastoo kooxda Qodxaaley ay  ka mid tahay kooxaha tartanka ugu ad adag ayaa hadana Gudoomiyaha Naadiga CCD Bashiir Salaad Barre (Bashiir Dheere) oo saxaafada la hadlay maanta ayaa ku goodiyay in kooxdiisu ay ka adkaan doonto Qodxaaley.

 

“Anagu waxaan rajo aad u weyn ka qabnaa in koobka aan qaadno “ayuu saxaafada u sheegay Bashiir Dheere.

 

Dhanka kalana kooxda Bariga Dhexe ee ka dhisan Degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa maanta 3-2 dhabarka dhulka ugu dhigtay kooxda Geeska Afrika oo wadata 4 dhibcood.

 

Kooxda Bariga Dhexe oo horay usoo yeelatay laba cayaarood ayay manta u ahayd markii ugu horeysay oo ay badiso waxaana ay leedahay 3-da dhibcood oo maanta ay heshay.

 

Somali Football Media Department

+25250 930226   Office Telephone

+2526 99 969815   Cell phone

+2521 600601        Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment