Tabababare Rafael Benitez iyo CIyaaryahan Xavi Alonso oo laga yaabo in ay ka tagaan Liverpool.!!!

Monday September 01, 2008 - 16:57:06
0 Comments
3334
Shaafici Muxyidiin
Tababaraha kooxda Liverpool Rafael Benitez iyo CIyaaryahan Xavi Alonso ayaa laga soo xigtay in ay ka tagayaan kooxdooda Liverpool,

 kaddib markii sida uu sheegay mas'uuliyiinta kooxda uu tababaraha u yahay ee Liverpool ay diideen in ay kooxda ku soo kordhiyaan ciyaaryahanka calamiga ah ee khadka dhexe ee kooxda Aston Villa iyo Xulka wadanka INgiriiska Gareth Barry.

Jariidada The sun ee wadanka INgiiiska ayaa qoratay in mid ka mid ah saaxiibada tababare Rafael  uu sheegay inuusan ku faraxsaneyd qaabka ay kooxda ka damacsan yihii nmilkiilayaasha kooxda ee kala ah  Tom Hicks iyo  George Gillett KO'd kuwaas oo ka madax adeyga ku soo biirinta kooxda ee laacibkaas oo si aad ah ay ugu baahan tahay kooxda Liverpool.

Tabababre Benitez ayaa laga soo xigtay inuu xushmada u hayo masu'uuliyiinta kooxda, hase ahaatee ay ka madax adeygeen soo iibinta ciyaaryahankaas oo ay sheegen inuu qaali yahay, maadamaada kooxda Villa ay sheegtay in 18-milyan oo Gini ka yar aysan ku iibsaneyn, laakiin Tababaraha ayaa sheegay inuu ka fiirsasanayo sii joogista kooxda Liverpool, madaama mas'uuliyiintu aysan lacag ay ku soo gadaan ciyaaryahanka aaneyn weynin.

Dhinaca kale ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Liverpool Xavi Alonso ayaa kooxda Liverpool ka codsaday in ay fasaxaan maadaama uu heysto codsiyo uga iimaanaya kooxda Arsenal ee isla wadanka Ingiriiska, waxaana Alonso uu si toos ah ula hadlay tababare Benitez oo ay isku wadan ka soo jeedaan, iyadoo kooxda Liverpool ay ka fiirsan doonto fasixitaanka ciyaaryahankan.



Leave a comment