Ururka Naadiyada K/Cagta Soomaaliya oo ku gacan seyray Meel ka dhaac loo geystay FIFA, CAF iyo SFF

Thursday October 14, 2010 - 15:24:29
0 Comments
2918
Shaafici Muxyidiin
Shir ay isugu yimaadeen guddoomiyeyaasha naadiyada kubada cagta ee ka dhisan dalka Soomaaliya oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si weyn loogu cambaareeyay aflagaado uu guddoomiyaha ganaaxan ee naadiga dekedaha Cabdi Jiinow u geystay Ururka kubada cagta aduunka ee FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Masuuliyiinta naadiyada  oo ahaa kuwii doortay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa gabagabadii shirkooda soo saaray war saxaafadeed u qornaa sidan tan oo uu saxaafadna u aqriyay guddoomiyaha ururka naadiyada kubada cagta Soomaaliyeed Mudane Maxamed Xaaji Cabdulle (Taako).

 

Warsaxaafadeed


Ugu horeyntii waxaan halkaan uga mahad celineynaa dhamaan saxaafada xorta ah ee dalka gudahiisa iyo dibadiisa sida ay isugu hawlaan horumarinta isboortiga dalka guud ahaan gaar ahaan k/cagta. waxaana ku sii baraarujineynaa in saxaafadu sii  dhiiri galiso geedi socodka isboortiga dalka oo maanta hiigsanaya meel muuqata.

Intaa kadib, waxaa sharaf noo ah in aad nagala soo qeyb gashaan shir saxaafadeedkan ay soo abaabuleen madaxda Naadiyada / Kooxaha ka diiwan gashan xiriirka Soomaaliyeed  ee Kubadda Cagta maanta oo ay taariikhdu tahay
13 Oct 2010
.

Dulucda ama ujeedada war saxaafadeedku waa in aan halkaan ka cadeyno masuuliyada  iyo waajibaadka saaran madaxda naadiyada / Kooxaha K/cagta heerarka kala duwan iyo mawqifkeena ku aadan warsaxaafadeedka uu sii daayay Maareeyihii hore ee dekadda Xamar Md. Abdi jiinow 8 Oct 2010

Waxaa wax aad looga xumaado ah, isla markaana aan aad iyo aad u cambaareyneynaa war saxaafadeedka uu sii daayay Cabdi Jiinow, kaasoo ah mid uusan ka fiirsan aqoon ahaan iyo xeer ahaan ayna ka muuqato Xad gudub, xeer jabin iyo aflagaado qaawan oo loo geysanaayo guud ahaan bulshada isboortiga Soomaaliyeed, Naadiyada dalka iyo hay’ada caalamiga ah ee k/cagta adduunka ee FIFA 

Bulshada isboortiga waa bulsho nadiif ka ah Qabyaalada, midab takoorka iyo Siyaasada, waana bulsho caan ku ah ka shaqeynta nabada, isdhexgalka, walaaleyta iyo mideynta bulshada soomaaliyeed. Waxayna isboortigu la dagaalaan cudurada dilooday bulshada soomaaliyeed sida qabyaalada, daroogada, iyo mustaqbal xumida.

Hadaba waxaan si cad halkaan uga soo jeedineynaa anagoo ah masuuliyiinta Naadiyada heererka kala duwan ee xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta in aan waafaqsanahay qaab dhismeedka gudiga fullinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, kaasoo aan dooranay 19 July 2010 kuna dooranay magalaada Muqdisho, waana markii ugu horeysay taariikhda dalka ay ka soo qeyb galaan gobollada dalka, isla markaana xubno matalaya gobolada dalka ay ka mid noqdeen Guddiga fulinta ee xiriirka soomaaliyeed ee k/cagta, taasoo si cad loo baahiyay 19 July 2010 ummada soomaaliyeedna ay aad ugu farxeen una hambalyeeyeen intii arrintaa ka shaqeysay oo ay ugu horeeyaan masuliyiinta Naadiyada / kooxaha dalka.


Sidoo kale waxaa hambalyo iyo dhiri gelin qoraal ah soo diray Gudoomiyaha FIFA, taasoo uu ku amaanay Naadiyada / Kooxaha dalka ka jira iyo maamulka xiriirkaba sida ay u ballaariyeen horumarinta k/cagta Soomaaliyeed ugana soo qeyb galiyeen gobolada dalka, asagoo gudoomiyaha FIFA Mr. Blatter arrintaas ku tilmaamay tilaabo wanaagsan oo wax ku ool ah, FIFA-na ay ku taageertay Soomaaliya .

 

Masuuliyiinta naadiyada ayaa kueedeeyay Cabdi Jiinow in uu ku fashilmay maamulkii dekeda Muqdisho isla markaana uu lunsaday lacagtii naadiga Dekedaha uu ku lahaa kharashka dekeda kasoo xarooda taaina ay keentay in xilkii dekeda laga qaado.

 

Waxay ugu baaqeen Cabdi Jiinow in uu dib usoo celityo lacagtii uu ka lunsaday Naadiga Dekeda hadii kale ay maalin maalmaha ka mid ah maxkamad la tagi doonaan.

 

Waxaa ay sheegeen in sidoo kale uu Cabdi Jiinow horay ujedbiyay xeerka kubada cagta uuna abaabulay shirar aan sharciga waafaqsaneyn oo la doonayay in lagu car qaaldeeyo horumarka kubada cagta Soomaaliyeed uuna diiday in ciyaartoyda naadiga dekedaha ay matalaan qaranka taasina ay keentay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta gudigiisa fulintu uu muddo 4 sanadood ah ka joojiyo dhamaanba dhaq dhaqaaqyada kubada cagta, waxaana uu ganaaxaasi ka bilaabanayay Bishii July 2010-ka.

 

Haddaba waxaan war saxaafadeedkan ku sii cadeyneynaa sida Dastuurka waafaqsan oo aan ku dooranay  Gudiga fullinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee k/cagta. Waxaana sharciga dalka iyo kan caalamiga ah ee k/cagta la tiigsan doonaa Mudane Cabdi jiinow oo ka been abuuray naadiyada, kooxaha iyo Gobolada dalka, kuna tilmaamay dad qabiil ku dhisan, taasoo ah ku tumasho Xeerka k/cagta ee aan ku dhisanahay iyo meel ka dhac qaawan oo uu u geystay masuuliyiinta naadiyada iyo gobolada dalka.


Ugu dambeytii waxaan ka raali galineynaa dhamaan bahweynta isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaana bahda k/cagta  hadallada aan laga fiirsan ee xad gudubka ah oo aan maamul , xeer iyo caqli midna ku saleysneyn ee Cabdi jiinow uu soo marsiiyay warbaahinta xorta ah.

 

Waxaana saxaafada xorta ah ka codsaneynaa inay dhiiri galiyaan Soomaalininmada iyo wada jirka bahweynta Isboortiga qalinkooda iyo afkoodana aysan ku dhiiri galin dadka ku hadaaqaya cudurka soomaaliya bur buriyay, kaasoo ah qabiilka.

Somali Football Media Department

 

+2526 99 969815 Cell

+25250 930226   Telephone Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment