Ciyaaryahan Didier Drogba oo qorsheynaya inuu ka tago kooxda Chelsea.!!

Monday September 01, 2008 - 16:48:27
0 Comments
3492
Shaafici Muxyidiin
Ciyaaryahanka caalamiga ah ee xulka qaranka wadanka Ivory Coast Didier Drogba ayaa lagu soo waramayaa inuu mustqbalkiisa ciyaareed ee kooxda Chelsea uusan fadhin...

sida ay qortay Jariidada Observer ee wadanka Ingiriiska oo  sheegtay in Drogba uu kooxda Chelsea ka tagayo ka hor inta aan la xirin suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee qaaaradda Yurub.

Warku wuxuu inaas ku darayaa in laacibka weerarka ee kooxda Chelsea D. D uu tababaraha kooxda Chelsea Luiz Felipe Scolari si toos ah uu ugu sheegay inuu doonayo in uu kooxda Chelsea ka tagayo, waxaana ilo ku dhow ciyaaryahana ay sheegayaan inuu ka niyada jabay kooxda Chelsea.

Tababaraha koooxda Chelsea ayaa isagu doonayo in Dragba uu sii joogo naadiga uu ka taliyo maal-qabeenka reer Russia ee Roman Ibrahimovic, waxaana uu Scolari uu sheegay in Drogba uu ka mid yahay xiddigaha uu ku soo talo galay in ay ka qeyb qaataan dagaalka loogu jiro dhowr koob oo Yurub iyo Ingiriiska ah.

Drogba ayaa la sheegay in maadaama kooxda ay joogaan dhowr weeraryahan  oo ay ka mid yihin Nicolas Anelka, Shevchanko, J. Cole, Soloman Kalu iyo Shaun Wright-Philips uu ka cabsi qabo inuu heli waayo boos joogta ah, maadaama tabababre Scolaru uu dhowr jeer carrabka ku dhiftay in Anelka iyo Shevachanko uu siin doono fursado badan, waxaana gool-dhaliye Drogba uu hadda raadis ugu jiraa sidii uu ku heli lahaa koox kale oo uu ku biro, waloow ay jiraan kooxda hore u soo dalbaday , Kuwaas oo ay ku jiraan Barcelona iyo Inter Milan.



Leave a comment