Koobkii Jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland oo furmay

Saturday May 29, 2010 - 18:25:59
0 Comments
2944
Shaafici Muxyidiin
Tartanka caanka ah ee sandkiiba mar la qabto looguna magac daray koobka jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland ayaa shlay jimcihii si rasmi ah uga furmay magaalada Helsinki ee xarunta dalka finland.


Koobkan oo uu soo abaabulay isla markaana hir geliyay Ururka Dhaqanka iyo Isboortiga Soomaaliyeed ee magiciisa loosoo gaabsho SOCUS ayaa waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood oo ka kala dhisan gobalada dalka Finland uu ka kooban yahay,sida uu sheegay Guddoomiyaha Ururka qaban qaabiyay ee SOCUS ahna xubin ka tirsan ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed gudigiisa fulinta Axmed Cabdulaahi Imad oo munaasabadii furitaanka hadal ka jeediyay.

 

Tartankan oo socon doona inta u dhexeysa 28 May ilaa iyo 13 June 2010 , ayaa waxaa uu ka mid yahay tartamada kubada cagta soomaaliyeed ee ugu shacbiyada badan qaarada Yurub, waxaana dalka finland lagu qabanayay 16-kii sandood ee lsoo dhaafay.

 

“Tartankan waxaa loogu talagalay in lagu mideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee Finland dagan loogalana dagaalamo waxyaabaha xun xun ee muqaadaraadku ka mid yahay”sidaasi waxaa munaasabad furitaanka ka sheegay Mr. Imad oo intaa raaciyay in muhiimada kale ee tartanka loo abaabulay ay tahay in lagusoo saaro dhalinyaro soomaaliyeed oo xirfad leh mustaqbalka dhowna soomaaliya ku matala tartamada caalamiga ah.

 

Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Isboortiga soomaaliyeed Cabdi Casiis Goodax Barre oo isla markaana guddoomiye ku xigeen ka ah golaha midnimada Soomaaliyeed oo isna hadal ka jeediyay munaasabadii furitaanka tartanka ayaa ku booriyay dhalinyarada tartanka ka qeybgaleysa in ay muujiyaan cayar wanaag dhexdoodana is xushmeeyaan hada iyo markii tartanku dhamaado kadib.

 

 “Mid ka mida ujeedooyinka ugu muhiimsan ee tartankan loo abaabulay waxaa ay tahay in dhalinyarada soomaaliyeed lagu tacliimiyo kubada cagta, waxaana idinka dooneynaa in aad xirfadihiina horumarisana”ayuu yiri gudoomiye Goodax oo hdalkiisana ku wajahayay dhalinyarada tartanka ka qeybgaleysa.

 

Madaxda kale ee munaasabada furitaanka ka  hadlay waxaa ka mid ah guddoomiyaha golaha midnimada soomaaliyeed Mr cabdi rashiid oo ururka dhaqanka iyo isboortiga Soomaaliyeed ku amaanay diyaaritnta tartamada noocan oo kale ah oo loogu tala galay in dhainyarada Soomaaliyeed lagu hanuuniyo iyadoo kubada cagta loo marayo.

 

Cayaartii ugu horeysay ayaa waxaa ay dhex martay kooxaha kala ah Solay iyo Myrmäki waxaana 2-0 ku awood sheegatay kooxda Solay,halka cayaartii labaadna ay dhex martay kooxaha kala ah Semo iyo Espoo, waxaana 1-0 ku badisay kooxda Semo.


 

 Somali Football Media Department

 

+2521 600000 Telephone

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment