Kooxda Arsenal oo si wada jir ah ula soo saxiixaneysa Barry iyo Silvestre.!!

Monday September 01, 2008 - 15:29:26
0 Comments
2103
Shaafici Muxyidiin
Kooxda K/cagta ee Arsenal ayaa ku jirta qorshihii ugu dambeeyay ee la soo saxiixashada ciyaartooy muhiim ah...

ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee qaaradda, waxaana kooxda Arsenal ay hadda ku biirtay tartanka loogu jiro difaaca wadanka France ee Mikael Silvestre, kaas oo ay kula loomayaa kooxaha Sunderland iyo Manchester City.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger  oo xoojinaya difaaca dambe ee kooxdiisa ayaa xaqiijiyay in wada hadal uu kula jiro Silvestre, waxaana uu intaas ku daray in haddii uu kooxda ku soo biro uu wax weyn ku soo kordhin karo, iyadoo Silvestre oo muddo 9 sanadood ah u ciyaarayay kooxda Manchester uu hadda diyaar u yahay inuu ka tago kooxdiisa, hase ahaatee dhica kale kooxda Arsenal ma aysan soo bandhigi qiimaha ay ku dooneyso laacibkaas.

Sidaas oo kale kooxda Arsenal ayaa dib ugu laabtay miidka wada xaajoodka ee ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Aston Villa iyo xulka qaranka wadanka Ingiriiska Gareth Barry, iyadoo tababare Wenger u sheegay in ay wax ka bedelayaan qiimaha ay ku soonayaan laacibkaas, waxaana laacibkan oo mustaqbalkiisa ciyaareed ee kooxd Villa aanu fadhin uu diyaar u yahay inuu ku biiro kooxda Arsenal.

Wenger oo doonaya inuu buuxiyo booska khadka dhexe ee difaaca ee kooxda Arsenal ayaa sheegay in haddii uu ciyaaryahanka uu ku soo biiro kooxda uu wax weyn iska bedeli doono qaabka kooxda ee hadda, waayo wuxuu sheegay in wixii ka dambeeyay bixitaankii Flamini, Gilberto iyo Hleb uu ka wal walsanaa cidda buuxin doonta booskaa, waxaan Wenger uu ku soo fashilmay la soo saxiixashada Xavi Alonso, Yaya Toure iyo Marco Senna.



Leave a comment