Xiriirka kubada cagta oo qabtay munaasabad lagusoo gabagabeynayay horyaalkii kubada cagta ee dhawaan dhamaaday.

Tuesday May 18, 2010 - 06:31:29
0 Comments
3180
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu hotelka saxafi ee magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad aad u weyn oo lagu maamuusayay gabagabada horyaalkii kubada cagta dalka soomaaliya ee dhawaan idlaaday.


Munaasabada oo ahayd mid si heer sare ah loo sooo agaasimay ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay kaaliyaha 2-aad ee xoghayaha guud ee xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta Abuukar Islow waxaana uu ka war bixiyay qaabkii horyaalkan loosoo diyaariyay iyo sidii tartamadu ku dhacayeen intii horyaalku socday.

Furitaanka kadib waxaa hadalkii qaatay kabtankii ugu horeeyay ee xul qaran oo Soomaaliyeed uu yeesho Maxamed Qalaf Aadan (Shangole) oo amaanay dadaalka baaxada leh ee xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagtu uu wado ee ku aadan horumarinta kubada cagta ee dalka soomaaliya.

“Mid ka mida muhiimadaha ugu waaweyn ee laga leeyahay tartamada dhacaya waxaa ay tahay in dhalinyarada soomaaliyeed loogasoo hanuuniyo waxyaabaha xun xun sida muqaaaraadka, in ay qoryo qaataan IWM sidaa daraadeed waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay gacmaha is qabsadaan kana fogaadaan waxyaabaha xun xun”ayuu yiri shangole oo hadalkiis si toos ah ugu wajahayay da’yarta soomaaliyeed.

Shangole waxaa uu noqday kabtanka xulka qaranka kubada cagta soomaaliya sanadkii 1955-kii waxaana uu ka mid ahaa ragii wax ka as aasay isoortiga soomaaliyeed.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cgata Mudane Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo mickrofonka lagusoo dhaweeyay ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu muddooyinkan dambe sameeyay horumar aad u weyn, isagoo tusaale usoo qaatay guulaha xulka qaranku ka gaarayeen cayaarihii ugu dambeeyay.

“Inkastoo dalku ku jiro xaalad aad u adag, cayaartoyda qarankuna ay ku tababar qaataan garoonka dugsiga booliska oo aan ahayn garoon stander-ka caalamka la socda ayaa hadana aad arkeysaan in xiriirku horukac weyn sameeyay”ayuu yiri guddoomiye Siciid.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in horyaalkii dhawaan dhamaaday laga gaaray muhiimadii laga ahaa oo ah in laga xulay dhalinyaro aad u farabadan oo dalkooda ku matalidoona cayaaraha caalamiga ah.

“Shaqooyinka xiriirku wado aad ayay u badan yihiin, waxaana rajeyneynaa in xulka qaranka ee ka yar 17-ka sano cayaaraha aduunka kadib loo qaado tabarbar ay dalka dibadiisa kusoo qaadanayaan muddo bil ah ka hor inta aysan cayaarta ugu hreysa la yeelan dalka Masar”ayuu  mar kale yiri gudodomiye siciid oo sheegay in sidoo kale lix ka mida gool haye yaasha qaranka loo qaadi doono tababar gaar ah oo mudo bil ah ay kusoo qaadanayaan dalka Jabuuti.

Waxaa kaloo uu sheegay in garsooreyaal soomaaliyeed ay soo qabteen cayaaro ka dhacay daklka Nigeria dhawaan, isagoo yiri “waligeed ma dhicin in garsoore soomaaliyeed uu shaqo kasoo qabto  galbeedka afrika”.

Guddoomiyaha ayaa amaanay masuulka ugu sareeya hey’ada kubada cagta aduunka ee FIFA Joseph S. Blatter oo uu sheegay in mar kasta uu ka shaqeynayo sidii uu u horu marin lahaa kubada cagta dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Olombikada soomaaliyeed Aadan xaji Yabarow oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xiriirkii aan shaqo qaban uu waayi doono xubinimada guddiga olombikada,isgoo sheegay in xiriir wax qabtay iyo mid aan wax qaban ayan isku mid ahaan doonin.

“Waan ku amaanayaa xiriirka kubada cagta howlaha is daba jooga ah ee uu qabanayo, waxaana maanta horteena lasoo dhigay koobab aad u waaweyn oo waligeen aanan arag”ayuu munaasabada ka sheegay guddoomiyaha GOS Aadan xaaji Yabarow.

Macalinka kooxda Gaheyr ee koobka qaaday Macalin Salaad Faarax Xasan ayaa loo aqoonsaday macalinkii ugu wanaagsanaa. Macalin Salaad waxaa uu ka mid yahay macalimiinta da’da yar ee sanadkii hore tababarka caalamiga ah ee FIFA high level-ka kusoo qaatay dalka Jabuuti.

Intii munaasabadu socotay waxaa abaalmarino lacageed oo aad ufarabadan la guddoonsiiyay kooxaha kala ah: Gaheyr, Badbaado iyo Daalo oo ku kala guuleystay kaalimaha 1-aad-2-aad iyo 3-aad

Ugu dambeyntii wasiirada isboortiga Qadiijo maxamed Diiriye oo lagu sharfay in ay munaasabada soo xirto ayaa sheegtay in wax qabadka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu u cad yahay sida bisha oo kale, waxaana ay xiriirka ku amaantay howsha weyn ee uu qaranka Soomaaliyeed u hayo.

‘Xiriirka Soomaaliyeed waxaa uu qabtay wax weyn oolagu faani karo, guusha qaranku gaareena waxaa ay sharaf u tahay qof kata oo soomaaliyeed, aniga oo wasiirka ahna si aad ah ayaan isugula weynahay wax qabadkaas xiriirku sameeyay”ayay tiri wasiirada isboortiag Soomaaliyeed Qadiijo maxamed Diiriye.

“Soomaalidu waxay tirahadaa (qofka libinta xaasida Xaashaaye ma fiicna) marka waa in xiriirka soomaaliyeed loogu hambalyeeyo howsha weynweyn ee uu qaranka u hayo, laakin ma ahan in loo jeeiyo dhaliilo meel ay ku saleysan yihiin ayan jirin”ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay wasiiarda oo ugu dambeyntiina koobka kaalinta 1-aad ee horyaalka guddoonsiisay kooxda Gahayer FC.

Somali Football Media Department

+2521 600000 Telephone

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment