Xiriirka kubada cagta Soomaaliya oo diyaariyay 3 xul oo kala duwan

Sunday May 16, 2010 - 11:41:32
0 Comments
3427
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa markii ugu horeysay diyaariyay sadex xul qaran oo kala duwan oo mid waliba ay tartamada quseeya ku matali doonto Soomaaliya.


Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi qani Saciid Carab ayaa sheegay in xiriirku sanadkan diyaariyay xulalka kala ah Seniors, U 17 iyo U 20 oo dhamaan Soomaliya ku matali doona tartamada caalamiga ah ee kubada cagta.

 

“Inkastoo tabarteednu yartahay, dalkuna fowdo iyo kala dambeyn la’aan ku jiro hadana waxaanu garanay in si la mida dalalka nabada iyo horumarka heysta aanu yeelano xulal kala duwan, taasna Allah waa nagu guuleeyay”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani Saciid Carab oo maanta war saxaafadeed soo saray.

 

“Way naga go’an tahay in aan wax la qeybsano dalalka kale ee calamka marka loo eego dhaq dhaqaayada xaga kubada cagta, howshaasna waan wadeynaa waxay doontaba ha nagu qaadatee”ayuu yiri xoghayuhu.

 

Soomaaliya waxaa ay horay u lahayd xulaka U 17 iyo kuwa waawen oo keliya waxaana hada lagusoo daray xul sadexaad oo U 20 ah.

 

“Tartankii horyaalka ee dhawaan dhamaaday waxaa uu dhalay natiijooyinkii laga rabay oo waxaa laga helay cayaartoy aad u farabadan oo xulka Soomaaliya loo qaatay”ayuu xoghayuhu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Waxaa uu amaan balaaran u jeediyay hey’ada ugu sareysa kubada cagta aduunka ee FIFA oo uu sheegay in ay hanti iyo dhiiri gelinba ku bixisay sidii Soomaaliya oo aan dowlad lahayn ay ula baratami lahayd dalalka kale ee caalamka ee dowladuhuka jiraan nabadana heysta.

 

 Somali football Media Department

+2521 600000   Telephone

+2521 600601 Fax

Email: Somali football media department

Website: www.somoccer.com

 



Leave a comment