Silvestre oo heshiis laba sanadood ah u saxiixay kooxda Arsenal.!!

Monday September 01, 2008 - 15:25:24
0 Comments
2507
Shaafici Muxyidiin
Difaaca caalamiga ah ee xulka qaranka wadanka France iyo kooxda Manchester United Mikael Silvestre ayaa si rasmi ah ugu soo biiray kooxda Arsenal ee wadanka Ingiriiska..

waxaan uu qalinka ku duugay heshiis labada sanadood ah oo uu ku joogi doono garoonka Emirates ee Magaaladda London.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa si rasmi ah xalay ugu dhawaaqay in Silvestre uu ku soo biiray kooxda Arsenal oo ay ugu ciyaaraan da'yarta xirfadedsan, waxaana Wenger oo arrinkaas ka hadlayay uu yiri "Silvestre wuxuu ku soo biiray kooxd da' yarta ah ee Arsenal, sidaas daraadeed waxaan hubaa in aan khibradiisa iyo is bedelkiisa ay ka faa'iideysan doonto kooxda inteeda kale, waayo waa ciyaaryahan ku dhawaad 10-sanadood ka ciyaaryay horyaalka Ingiriiska, sidaas daraadeed uma baahna inuu waqti badan uu ku qaato la qabsiga kooxda".

Ciyaaryahan Silvestre oo isna ka hadlay munasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay garoonka Emirates ayaa yiri "inta badan waqtigeyga waxaan ku soo qaatay kooxda Manchester, hadana kama shaleyn doono, laakiin hadda waxaa jira is bedelka ku dhacay nolosheda ee ah in aan ku soo biiro kooxda Arsenal ee heysta ciyaartooy da' yar ah oo aad u fir fircoon, isla markaana ciyaareysa kubadda ugu qurxoon caalamka, waxaan hubaa in aan guulo wax ku ool ah aan gaari doono".

Silvestre oo xirtay maaliyadda numberka 18-aad ee kooxda Arsenal ayaa noqday ciyaartooygii ugu horeeyay ee dhinaca Manchester uga yimaada kooxda Arsenal mudd ka badan 34-sanadood, waxaan kooxda Arsenal ciyaaryahan ay ka iibsato Manchester United ugu dambeeyay Brian Kidd oo snadkii 1974 ku soo biiray kooxda Arsenal.



Leave a comment