Xogahaye C/qani “Tababarkii Heer caalami ee loo qabtay macalimiinta K/cagta natiijo wanaagsan ayuu keenay”

Friday April 16, 2010 - 11:35:05
0 Comments
2567
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaca ka qaaday in tababarkii Heer caalami ee dabayaaqadii sanadkii tagay macalimiinta kubada cagta Soomaaliya loogu qabtay dalka Jabuuti uu wax weyn kusoo kordhiyay dhaq dhaqaaqa kubada cagta Soomaaliyeed.


Xoghayaha Guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab oo isagoo ku sugan dalka Jabuuti maanta saxaafada war siiyay ayaa sheegay in horumarka kubada cagta Soomaaliya uu hada sare u sii kacayo,iyadoo sababtuna ay tahay aqoonta macaliniinta oo la kordhiyay.

 

“Tababarkii heer Caalami ee FIFA dalka Jabuuti ugu qabatay 30 ka mida macalimiinta kubada cagta Soomaaliya bishii October ee sanadkii tagay waxaa uu keenay natiijo wanaagsan” ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab oo maanta saxaafada kula hadlayay magaalada Jabuuti.

 

“Inkastoo aan ku shaqeyno dal ay xitaa noloshu adagtahay sababo la xiriira amaan darrada iyo dagaalada raagay ayaa hadana waxaa muuqata in cayaarta kubada cagta dalka Soomaaliya ay ku socoto dar dar xoog leh,taasna waxaan ku amaanayaa hey’da FIFA oo dhan kasta naga gacan qabata iyo dadaalka baaxada leh oo ay muujiyeen, macalimiinta, garsooreyaasha, cayaartoyda iyo dhamaan taageerayaasha kubada cagta Soomaaliyeed”ayuu yiri Xoghayaha guud.

 

Xoghaayuhu waxaa uu sheegay in xiriirka ay hada qorshaha ugu jirto in uu qabto tababarro kale oo dheerada oo la siinayo macalimiinta iyo garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliya,taas oo qeyb ka ah siyaasada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee ku aadan in la horumariyo kubada cagta Soomaaliya.

 

Inakstoo muddo 20 sanadood ah uu ka dhex shaqeynayay dal bur bursan oo fowdo ka jirto ayaa hadana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ah kan ugu dhaq dhaqaaqa badan xiriirada heer qaran ee Soomaaliya waxaa uu si joogto ah uga qeyb galaa tartamada iyo shirarka caalamiga ah oo marna aanu seegin taasna waxaa ay ku timid dadaalka wada jirka ah oo ay sameynayaan bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed.

 

Somali Football Media Department

+2525 936226 Office

+2521 600000 Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment