Gudoomiyaha K/Cagta Soomaaliya oo Blater ugu Magac daray “Bad baadiyaha” kubada cagta Soomaaliyeed

Wednesday April 14, 2010 - 12:22:11
0 Comments
2220
Shaafici Muxyidiin
Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa guddoomiyaha xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA Joseph S. Blatter waxaa uu ugu magac daray “Bad baadiyaha” Kubada cagta Soomaaliyeed oo hada u muuqata in ay horumar ku sii talaabsaneyso.


Guddoomiye Siciid oo saxaafada u qabtay shir jaraa’id oo qadka teleefonka ah isagoo dalka dibadiisa ku sugan ayaa sheegay in taageerada joogtada ah ee Blater la’aanteed ay kubada cagta Soomaaliya mar hore dhiman lahayd.

 

“Guddoomiyeheena qaaliga ah ee FIFA wuxuu noo ogolaaday in aan dalka Jabuuti ka dhigano gurigeena marka aan ciyaaro caalami ah marti gelineyno maadaama dalkeena ayan ka jirin nabad xiligan, sidaa daraadeed ogolaashahaasi waxaa uu muujinayaa sida Blatter ay uga go’antahay horay usii dhaqaajinta kubada cagta Soomaaliya meel kasta oo caalamka laga joogaba”ayuu yiri gudodomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe.

 

“Ma aanan gaari lahayn guushan la taaban karo ee maanta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada catu uu ku talaabsaday hadii aanan heysan taageerada iyo dhiiri gelinta joogtada ah ee Blatter”ayuu hadlakiisa sii daba dhigay guddoomiyha oo sheegay in xiriirka soomaaliyeed uu Blatter u dhisi doono taalo taariikhi ah oo lagu xusuusto.

 

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa hambalyo u diray xulka qaranka da’doodu 17-ka ka hooseyso guushii weyned ee dhawaan ay ka gaareen cayaar is reeb reeb ah oo ay la yeesheen dalka Kenya,cayaartaasoo qeyb ka ahayd is reeb reebka koobka Afrika ee U 17-ka oo sanadka dambe ka dhici doona dalka Rwanda.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu kharashaad dheeraad ah u balan qaaday xulka qaranka hadii lugta labaad ee cayaartan oo 24-ka bishan ka dhici doonta magaalada Nairobi ay mar kale garaacaan dhigooda Kenya.

 

9-kii bishan ayay ahady markii xulka qaranka U-17-ka dalka Soomaaliya ay dhigooda Kenya kaga adkaadeen 3-1 cayaar ka dhacday garoonka xaaji xasan Guuleed ee magaalada Jabuuti.

 

Somali Football Media Department

+2525 936226 Office

+2521 600000 Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment