Xiriirka kubada cagta Tanzania oo taageerayaasha ugu baaqay in ay xulka dhiiri geliyaan

Wednesday March 24, 2010 - 21:52:28
0 Comments
2543
Shaafici Muxyidiin
Xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta dalka Tanzania Fredrick Mwakalebela ayaa ugu baaqay taagerayaasha dalka Tanzania in ay maalinta Sabtida ah ee soo socota si weyn garoonka Uhuru stadium ugusoo baxaan si ay kooxdooda u dhiiri geliyaan, inta ay socoto cayaar adag oo ay la yeelanayaan Xulka Soomaaliya ee Ocean Stars.


Xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta dalka Tanznia waxaa uu saxaafada u sheegay in kooxdu ay hada tahay mid ka awood badan sidii hore, iaydoo la ogsoon yahay in xulka Soomaaliya uu hada ka hor gurigooda uga adkaaday
Tanzania.

“Dadku waa in ay si weyn usoo baxaan oo muujiyaan taageeradooda si ay kooxda u farxad geliyaan”ayuu yiri xoghayaha xiriirka kubada cagta ee dalka Tanzania oo saxaafada la hadlayay.

Dhanka kale Xiriirka kubada cagta ee dalka Tanzania ayaa ku dhawaaqay qiimaha lagu daawan doono cayaar adag oo maalinta sabtida ah ee inasoo aadan dhex mari doonta Xulka Soomaaliya ee Ocean stars iyo dhigooda Tanzania ee taifa stars, cayaarta oo qeyb ka ah is reeb reebka koobka CHAN ee qaarada Africa.

Isagoo saxaafada war siinayay ayaa xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta dalka Tanzania Fredrick Mwakalebela waxaa uu sheegay in qiimaha cayaartaas lagu daawanayo ee ugu sareeya uu yahay Sh30,000 oo lacagta dalkaasi ah halka qiimaha ugu hooseeyana uu noqon doono Sh3,000.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in qiimaha la yareeyay si taageerayaal badan ay fursad ugu helaan cayaarta in ay daawadaan maadaama buu yiri qiimaha yar dad badani awoodi karayaan in ay garoonka yimaadaan.

Xoghayuhu waxaa uu intaa ku daray in dadka baxsada Sh3,000 ay fadhiyada caadiga ah fariisan doonaan halka qiimaha VIP-dana uu noqon doono 30,000 oo lacgta dalkaasi ah.

Gool hayaha xulka Tanzania Jackson Chove ayaa saxaafada u sheegay in kooxdiisu ay aad u diyaar garowday.” Waan ognahay in ay difaac uun geli doonaan oo aanay weerar ahaan doonin, markaasna way noo fududahay in aan weerar xoogan ku qaadno ugana celino goolkeena in ay soo weeraraan”ayuu yiri gool hayaha xulka Tanzania Chove added.

Somali Football Media Department

+2521 600000 office

 

+2525 936226 Office

+2521 600601   Fax

 



Leave a comment