Tababarka garooreyaasha oo lasoo gaba gabeeyay

Thursday March 18, 2010 - 14:52:12
0 Comments
3090
Shaafici Muxyidiin
Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay laguna soo gabagabeynayay tababar maalmahanba dalka jabuuti uga socday 26 ka mida garsooreyaasha kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa habeenkii Arbacadu soo galeysay lagu qabtay hotelka Sheraton ee magaalada Jabuuti.


Xafladaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay sii hayaha safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti,masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Isboortiga Soomaaliya,madax ka socotay FIFA  iyo marti sharaf kale oo aad u farabadan.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Siciid Carab oo ugu horeyn munaasabada gabagabda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in garooreyaaasha kubada cagta Soomaaliya muddo ka badan 20 sanadood aanay helin tababar heerkan oo kale ah,iyadoo sababtuna ay tahaybuu yiri dagaalada sokeeye ee ka holcaya dalka Soomaaliya mudada dheer.

“Waxaanu u baahanahay aqoon hadii dalka Soomaaliya aanan wax ku qabsan karina waxaanu go’aan ku gaarnay in aanu dalkan aan walaalaha nahay ku qabsano tababarada maadaama khubarada caalamiga ah ayan suuragal ahayn in waqtigan aan dalka ku marti gelino”ayuu yiri xoghayaha guud.

Dr. Shenoui Ahmed oo ka socda xafiiska horumarinta garsoorka FIFA ee magaalada Qaahira oo ka hadlay munaasabada xiritaanka tababarka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanaa habka wanaagsan ee tababarku ku dhamaaday tababarkaas oo qeyb ka ah barnaamijka loogu magac daray WIN IN AFRICA WITH AFRICA.

“Inkastoo nabad iyo degenaasho ayan ka jirn Soomaaliya hadana waxaan arkaa in aad halgameysaan si kubada cagta Soomaaliya aad usii wadaan”ayuu yiri  Dr. Shenoui Ahmed oo hadalkiisana ku wajahayay madaxda xiriirka Soomaaliyed ee kubada cagta oo goobta xafladu ka dheceysay fadhiyay kuwaas oo uu sheegay in dal bur bursan oo dagaalo halakeeyeen ay ku shaqeynayaan iyagoo wax kastaba ha ku qaadatee ku dadaalaya in ay horumariyaan kubada cagta Soomaaliya sida uu Shenoui sheegay.

“Aniga oo ku hadlaya codka FIFA waxaan aad ugu faraxanahay shaqada wanaagsan oo la qabtay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay oo tababrku socday,waxaana weydiisan doonaa FIFA in ay tababaro dheeraad ah oo xaga horumarinta ah u qabato Soomaaliya,sababtoo ah way idinka go’antahay waxaana ku rajo weynahay in tababarda mustqabalkuay ka dhici doonaan Soomaaliya oo ad nabad iyo deganaasho heshaan,ayuu mar kale yiri  Dr. Shenoui,iyadoo madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo garsooreyaashuba ay hadalkiisa sacab kusoo dhaweeyeen.

Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Mudane Xuseen Faduul Dabar oo munasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dowladiisa shacabka iyo xiriirka kubada cagta Jabuutiba ay aad ugu faraxsan yihiin in ciyaarta kubada cagta Soomaaliya ay sii kobceyo ,inkastoo amaan darro iyo sharci la’aan ay hareeyeen Soomaaliya.

“Aad ayana ugu galad hayaa FIFA oo muujisay sida ay uga go’antahay in ay sare u qaado kubada cagta Soomaaliya, dhankoodana amaan ayaan u jeedinayaan madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo qabanaya shaqo wanaagsan sidaacadnimo ku jirtana ugu shaqeynaya dalkooda”ayuu yiri guddoomiyha xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Xuseen Faduul.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa hadalkiisa ku bilaabay mahad celin uu ujeediyay dowlada ,shacabka iyo xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti ee aan walaalaha nahay oo uu sheegay in ay gacan ka geysteen in tababrkani uu dalkooda ku qabsoomo,maadama dalka Soomaaliya aan xiligan tababar ceynkan ah oo macalimiin caalami ahi bixinayaan lagu qaban Karin sababo amaan xumo awgood.

“Aniga oo ku hadlaya codka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan cod dheer ku sheegayaan in taageerada joogtada ah iyo dhirii gelinta guddoomiyaha FIFA Blatter la’aanteed aanan  talaabooyinkan horumarineed la qaadi kareen, waxaan sidoo kale amaan u dirayaa howladeenada kale ee FIFA oo muujiyay sida ay u jecelyihiin Soomaaliya”ayuu yiri guddoomiye Siciid.

Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed Aadan Wiish oo lagu casuumay in uu tababarka soo xiro ayaa ku tilmaamay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta laf dhabar iyo lugaha isboortiga Soomaaliya uu ku taaganyahay.

“Inkastoo xiriiro kale oo shaqeeya ay jiraan hadana waxaan dhihi karaa xiriirka kubada cagtu waa laf dhabar,waxaana amaan u dirayaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo shaqo wanaagsan qabtay taas oo ay u hayaan dalka Soomaaliya oo dhan”ayuu yiri guddoomiyaha Olombikadu ka hor intii aanu ku dhawaaqin tabaarku in uu soo xirmay.

Kubada cagta Soomaaliya waxaa ay wajahaysaa marxalad aad u adag oo ah tii ugu darneyd ee abid inta la ogyahay soo food saarta, iyadoo ay taasi jirtana hadana shaqooyinka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu si xad dhaaf ah ayay uga soconayaan dalka iyo dibadaba.


 

Somali Football Media Department

 

+2521 600000 office

+2525 936226 Office

+2521 600601 fax

Email:somaifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment