Ballack iyo D.Villa oo kala sheegtay hanashada koobka Euro 2008.!!

Monday September 01, 2008 - 14:46:11
0 Comments
2554
Shaafici Muxyidiin
Nasiib darro xoog leh ayaa soo wajahday laacibka KHadka dhexe ee Kabtanka xulka qaranka wadanka Germany Michael Ballack markii uu soo gaaray dhaawac sababay inuusan ka qeyb qaadan ciyaarta final koobka Euro 2008.

Michael Ballack ayaa waxaa soo gaaray dhaawac sababay inuusan ka qeyb qaadan ciyaarta final koobka Euro 2008 oo xulkiisu kaga hortagayo wadanka Spain, waxaana dhaawacaasi uu ka soo gaaray inta muruqa laf dheerta waxaana uu  yahay mid halis ah.

"Go'aanka rasmiga ah ee ah ee ku aadan ciyaaryahanka inuu ka qeyn qaadan karo ciyaarta iyo inuusan ka qeyb qaadan Karin waxaa la gaari doonaa wax yar ka hor bilaabashada ciyaarta" sidaas waxaa lagu xusay warsaxaafadeed uu soo saaray xiriirka K.cagta ee wadanka Germany, waxaana Ballack uu maanta ka maqnaa tababarka kooxda ee garoonka Ernst Happel Stadium.

31-jirkan ayaa la sheegay inuu aad u nasiib daran yahay, maadaama uu seegayo final-kii labaad ee ciyaaro muhiim ah ee xulka wadankiisa, wuxuuna hore u seegay ciyaartii final ee koobkii adduunka ee 2002, waxaana dhinaca kale tababaraha xulka Germany Joachim Low uu sheegay inuu dhaawicii ka soo kabsaday khadka dhexe ee xulka Torsten Frings.

Hoggaamiyaha gool-dhalinta ee koobkan David Villa ayaa isna seegay ciyaarta habeenka axada ah, kaddib markii uu soo gaaray dhaawac dhinaca muruqa ah, markii uu laadayay kubbad laad xor ah ciyaartii Russia ay 3-0 uga adkaadeen, waxaana Villa booskiisa weerarka buuxinaya Daniel Guiza, sidaas oo kale tababaraha xulka Spain ayaa sheegay inuu ciyaarta ku soo billaabayo laacibka da'da yar ee kooxda Arsenal Cesc Fabregas, isla markaana uu ciyaaro shan ciyaartooy oo dhexda ah (five-man midfield).

Dhinaca kale laacibiintii hore ee xulalka Spain iyo Germany Fernando Ruiz Hierro iyo Franz Beckenbauer oo ku sugan wadanka magaaladda Vienna ee wadanka Austria ayaa kala sheegtay hanashada koobka, waxaana ruugcadaayaashan ay kala sheegteen guulo ay ka gaaraan ciyaarta Final ee haben dambe.

Waa markii 6-aad oo wadanka Germany ay ciyaaraanaa kama dambeysta koobka Qaramadda qaaradda Yurub, waxayna ku guuleysteen 3-jeer, halka wadanka Spain ay yimaadeen sadex jeer oo hore, iyagoo ku guuleysay hal mar koobkan sanadkii 1964.



Leave a comment