Lehmann "Henry ayaa ka fiican Torres, laakiin haddii uu dadaalo waa gaari karaa"!

Monday September 01, 2008 - 14:36:03
0 Comments
2218
Shaafici Muxyidiin
Goolhayaha wadanka Germany Jens Lehmann ayaa sheegay in weeraryahanka xulka qaranka wadanka Spain iyo kooxda Liverpool Fernando Torres aanu weli gaarin heerka uu Thierry Henry ka gaaray K/cagta.

markii la weydiiyay tayada uu lahaa Torrey ciyaartii Final oo uu goolka guusha ka dhaliyay ayuu Lehmann ku jawaabay "Hagaag, wuxuu dhaliyay gool, laakiin markii aad weeraryahan tahay in aad gool dhaliso aadbey muhiim u tahay, laakiin TOrres lama bar bar dhigi karo Henry".

"sidaas daraadeed markii aad is bar bar dhig ku sameyso weeraryahanadaas, waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn oo saa'id ah, welina Torres ma gaarin heerka Henry uu ka gaaray caalamka K.cagta" ayuu sii daba dhigay Lehmann oo ku guul dareystay inuu hakiyo kubadda daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta uu Torres dhaliyay.

Lehmann ayaa wax laga weydiiay, maadaama uu caawa taariikh sameeyay Torres in ay dhici karto in 24-jirka reer Spain uu heerkaas gaari karo wuxuuna yiri "haaa, Haaa,...waa gaari karaa heerkaas, waase haddii uu sameeyo dadaal dheeraad ah".



Leave a comment