Ribery oo noqday ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee wadanka Germany.!!

Monday September 01, 2008 - 14:31:57
0 Comments
2595
Shaafici Muxyidiin
Laacibka garabka midig ee weerarka ee xulka qaranka wadanka France iyo kooxda Bayern Munich Franck Ribery ayaa noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay..

waxaana sida lagu soo daabacay Jariidada Kicker ee wadanka Germany codbixintan sameeyay ciyaartooyda iyo tababarayaasha horyaalka Germany, iyadoo Ribery uu ku guuleystay 224-co.

Rebry ayaa noqday ciyaaryahankii 2-aad ee Ajinabi ah oo ku guuleysta German footballer of the year, iyadoo 1960 ay aheyd markii laacibkii reer Brazil ee Ailton uu abaal marintaas ku guuleysay, waxaana Rebry oo dhaawac uga maqan kooxdiisa uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kooxdiisa u horseeday guusgii ay ka gaareenka horyaalka Germany, waxaana 25-jirkan uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guusha weyn ee uu ka gaaray horyaalka wadanka Germany.

"waa arrin aad u wanaagsan in dadka ciyaaraha ku dhex jiraahi ay aqoonsadeen soo bandhigeygii iyo ciyaarwanaageygii, laakiin waa in aan iraahdaa guushii aan ka gaarnay horyaalka waxay aheyd mid markii hore naga fogeyd, hase ahaatee muhiimadeenii aan ka gaarnay" ayuu yiri Frank oo in taas ku sii daray "aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in la ii aqoonsaday jagadaas, waxaana filayaa in dadalkii hore mid ka badan aan sameyn doono"

Ribery oo ah ka mid ah ciyaartooyda fara ku tiriska ah ee Muslimiinta ah ee ka xamaalata K/cagta ayaa sheegay in lagama maarmaan ay u tahay kooxdiisa sidii uu ugula guuleysan lahaa koobka Horyaaladda Yurub ee Champions league oo sanadkii hore kooxda Munich ay ku fashilantay ka soo qeyb galkiisa, wuxuuna tababaraha cusub ee kooxda Jurgen Klinsmann ku dhiira galiyay in fikirka 1-aad la siiyo koobkas sidii lagu keeni lahaa magaaladda Munich ee wadanka Germany.



Leave a comment