Min Caseeye iIaa xul qaran, Eeney waxuu arkaa mustaqbal wanaagan

Saturday August 22, 2009 - 19:49:16
0 Comments
3851
Shaafici Muxyidiin
Magiciisa oo buuxa waa Aadan Xuseen Ibraahim, waxaana lagu naaneesaa Eeney, waxsaana uu ku dhashay degmada Waajid ee gobalka Bakool sanadku markuu ahaa 1993-kii, wax ehel ahna uma joogaan magaalada Muqdisho.


Waxaa uu Muqdisho soo galay isagoo jira 10 sano, si uu u raadado nolol u dhaanta tii Waajid waalidikiisna ugu shaqeeyo, waxaana uu durbaba bilaabay shaqada kaba dhaaalinta maadaama wax kale oo uu qaban karay aanay jirin.

 

Waxaa uu tagay xaafada Geed Jacayl ee degmada Wardhiigley waxaana uu halkaa ka biaabay shaqada kaba dhalaalinta,xaga raashinka waxaa gacan qabtay nin oday ah oo xaafada dagan oo a yiraahdo cabdi Siciid, wixii uu shaqadiisa ka helana waxaa uu u diri jiray hooyadiis oo ku nool Waajid.

 

Eenay waxaa uu sheegay in maalin maalmaha ka mid ah isagoo caruur yar yar banooni kula cayaarayay meel jid cadde ah uu soo ag maray guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo cabaar markii uu daawaday kadib kasoo dagay gaarigiisii  lana sheekeystay Eeney.

 

“Guddoomiyuhu waxaa uu ii sheegay in aan ka mid noqonayo mashruuca tababarka dhalinyarada kubada cagta ee FIFA ay maal geliso, muddo bilo ah kaddibna waxaa la iga mid dhigay xulka dhalinyarada da’doodu ka yartahay 17-ka sanadood”ayuu yiri Eeney.

 

“Markii hore waxaan ahaa caseeye, hadana waxaan ku jiraa xulka qaranka, uma maleynaayo in aan noloshii caseeyenimada dib ugu laaban doono, waxaana qabaa rajo weyn mustaqbal wanaagsan oo kubada cagta ah ayaana ii muuqda”ayuu Eeney hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Wuxuu si weyn ugu mahad celiyay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Mugaabe oo kasoo saaray noloshii kaba dhalaainta iyo odayga cabdi Siciid ah ee uu hoygiisa ka raashimeeyo.

 

“Waligey ma aanay fileyn in aan diyaarad kori doono,laakin hada waan koray anigoo waliba sida calanka Soomaaliya matalayana dalkeyga”ayuu Eeney u yiri si farxad leh.

 

Cayaaryahanka da’da yar Aadan Xuseen Ibraahim oo lagu naaneeso Eeney waxaa uu hada ku sugan yahay magaalada Khartuum ee dalka Sudan oo xulka qaranka U-17 ee Soomaaliya ay kaga qeyb galayaan cayaaraha bariga iyo bartamaha Africa.

 

Somali Football Media Department

 

Email:Somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

 

+2525 936226   office



Leave a comment