Taageereyaasha kooxa Galaxy oo u codeeyay in D.Beckham uu noqdo Tababare.

Monday September 01, 2008 - 14:23:37
0 Comments
2010
Shaafici Muxyidiin
kaddib markii todobaadkii hore uu xilka tababarenimo ee kooxda LA Galaxy ee wadanka Mareykanka uu ka degay tababarihii hore ee kooxda Ruud Gullit ayaa taageerayaasha kooxda La Galaxy waxay si aan caadi aheyn is kugu raaceen in...

Ciyaaryahanka garabka midig ee weerarka ee kooxda La Galaxy iyo xulka qaranka wadanka Ingiriiska David Beckham uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda.

Jariidada The Sun ayaa soo werisay in codad laga qaaday taageerayasha kooxda si aan caadi aheyn oo 82% ay ugu taageereen in Beckham loo dhiibo hogaanka tababarenimo ee kooxda, waxayna sheegeen in booskaas aan loo dhiibi karin cid aan isaga aheyn.

David Cordillo oo ka mid ah taageerayaasha kooxda, kama mid ahaa taageerayaal careysan oo isku soo baxay sameeyay ayaa yiri "waa shaqsiga kaliya ee naga bad baadin kara khatarta soo socota, sidaas daraadeed waxaan taageereynaa in uu jagadaas qabto, waayo khibrad, aqoon iyo isku qaabeen ayuu u leeyahay  David inuu noqdo Tababare cusub" ayuu yiri Cordillo oo intaas ku daran in kooxdu ay bur buri doonto haddii aan Becks loo dhiibin jagadaas.

Tan iyo markii uu kooxda ka tagy  tababarihii hore ee Ruud Gullit quit ee u dhashay wadanka Holland waxaa kooxda soo wajahay dhibaatooyin xoogan, waxaana kooxdu ku barriiqatay in ay guulo ka gaarto  8-dii kulan oo ugu dambeysay Horyaalka Mareykanka oo  tababre la'aan ay aheyd,  waloow ciyaaryahankoodii hore ee kooxda Galaxy  Cobi Jones  uu si ku meel gaar ah u sii waday shaqada xaafiiska tababarenimo ee kooxda.



Leave a comment