Xulalka Argentina iyo Nigeria oo iskugu soo haray final-ka koobka Olombikada.!!

Monday September 01, 2008 - 14:17:11
0 Comments
2153
Shaafici Muxyidiin
Wadanka Argentina oo difaacanaya koobka K/cagta ee Olombikada adduunka ayaa galabta ku soo tuntay dhigiisa wadanka Brazil...

kaddib markii ay iskaga horyimaadeen kalan aad u xiiso badanaa oo ka tirsanaa semi-final-ka koobkaas, waxaana Argentina ay 3-0 uga soo faro-xalatay Wadanka Brazil oo ku hubeystnaa Xiddiga kooxda AC Milan Ronaldinho.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-0, hase ahaatee markii qeybtii labaad la iskugu soo laabtay ayaa xulka Argentina waxaa u suurto gashay in ay helaan goolka furitaanka ciyaarta waxaana shabaqa ku hubsaday laacibkooda S. Agüero, laakiin xulka Brazil oo raadinaya goolka bar bar dhac ah oo dhowr goor sigay Argentina ayaa mar kale S. Agüero daqiiqadii 57-aad uu shabaqa dhex dhigay goolkii labaad ee ciyaartay, waxaana Brazil oo xaaladdu ku xumaatay mujiyeen in aysan niyad jabib, ilaa  daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta J.R. Riquelme uu Brazil ka dhaliyay goolka quusta oo ahaa mid rigoore ah, iyadoo wixii daqiiqadaas ka dambeeyay wadanka Brazil uu lumiyay kalsoonidii iyo deganaanshaha ciyaarta, waxana dhacday in L. Lucas iyo T. Neves  oo reer Brazil ay laga saaray ciyaarta, kaddib markii ay jabis iyo xanaaq billaabeen.

Dhinaca kale wadanka Nigeria oo koobkan ku guuleystay sanadkii 1996 ayaa maanta  u soo baxay final-ka koobka Olombikada, kaddib markii ay galabta u soo xoog sheegteen wadanka Belgium, kaddib markii ay 4-1 uga soo baxeen, waxaana  daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta gooldhalinta billabay  laacibkooda Olubayo Adefemi,, waxaana ciyaarta qeybteedi hore ku soo idlaatay 1-0, laakiin markii la isku soo laabtay ayaa daqiiqadii 60-aad Chinedu Ogbuke Obasi wuxuu dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta, hase yeeshee wadanka Belgium oo todobaadkii hore ku soo dur duriyay dhigooda Italia ayaa ku niyada jabay ciyaarta, waxaan goolka sadexaad mar kale  ka dhaliyay Obasi, iyadoo kan quustana uu u raaciyay Chibuzor Okonkwo waloow daqiiqadii ugu dambeysay ee ciyaarta uu Laurent Ciman xulkiisa Belgium u dhaliyay gool wanaagsan.

Maalinta Sabtida ah ee soo socota ayaa la ciyaari doonaa final-ka koobkan,waxaana  adag saadaasha laga bixin karo natiijada ciyaartaas, waayo markii dib loo eego labada xul iyo kulmadii ay soo ciyaareen ayaa waxaa soo baxaya in awood ahaan labada xul iyo wadamadii ay ka soo kala badiyeen ay isku dhigmaan, hase ahaate labada wadan ayaa saxaafadda u kala sheegay guulo ay gaari doonaan, Laakiin fardo la isku hayo la iskuma faaniyo.!!



Leave a comment