Xulka Under-17-ka oo qaxay

Wednesday July 29, 2009 - 09:13:50
0 Comments
3062
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo sababtu ay tahay fowdada iyo dagaalada ugu yaraan maalineyaasha noqday ee ka jira magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa cayaartoyda xulka qaranka U-17-ka ee kubada cagta dalka Soomaaliya waxaa ay ka qexeen xaruntii hore oo ay mudoo ku tababar qaadanayeen oo ah Stadium Banaadir oo ku taala degmada cabdul casiis, sida uu shaaca ka qaaday tabaraha xulka Maxamed Cabdulle Farayare.


Cayaartoyda xulka oo tababarkooda soo qaadanayay tan iyo 2-dii bishii June ee sanadkan ayaa hada ku tababar qaata garoonka Dugsiga sare ee booliska Soomaaliyeed si ay u helaan fursad ay tababarkooda ku sii wataan ,sida uu sheegay tababare Farayare.

 

Tababaraha ayaa si weyn ugu mahad celiyay guddoomiyaha naadiga Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col Cali Cabdi Maxamed Shiine oo uu sheegay in uu xulka ku deeqay meel ay ku tababar qaataan isagoobuu yiri waliba cayaartoydii naadigiisa ee Heegan meesha ka saaray booskana ku warteejiyaya xulka qaranka.

 

“Ka hor intii aanan kasoo qixin halkii aan horay ugu tababar qaadaneynay waxaa jiray maalmo ay cayaartoydu tababarka imaan kari waayeen sababo la xariira  dagaalada iyo amaan darada ka jira qeybaha waqooyi bari ee magaalada Muqdisho,laakin maalmihii lasoo dhaafay xitaa hal cayaartoy ma aanu maqnaanin sababtoo ah halkani way ka amaan badantahay meeshii hore”ayuu tababaruhu u sheegay somsocer.com.

 

Waxaa uu tababaruhu intaa raaciyay in maamulayaasha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ay kula taliyeen cayaartoyda in ay guryohooda ku nagaadaan hadii ay u arkaan in aanay subaxdaa soo bixi Karin amaanka oo xun awgii ayna muhiimada koobaad siiyaan nabad geliyadooda.

 

“Inkastoo aan hada wajahayno mid ka mida dhibaatooyinkii ugu darnaa abid, hadana waxaan aad ugu kalsoonahay in wiilashadyda yar yari ay guul ka keeni doonaan tartanka CECAFA ee nagusoo foolka leh,kalsooni weyn ayaana ilmahayga ku qabaa”ayuu yiri tababaruhu mar kale.

 

“Markan waxaan cayaaraha ECAFA U-17-ka ugu soconaa tartan ee ka qeyb gal oo keliya uma tageyno”ayuu yiri tababaraha xulka qaranka U-17 Maxamed cabdulle Farayare oo sheegay in ururka CECAFA uu horay amaan balaaran ugu jeediyay dalalka Somalia, Tanzania iyo Uganda oo cayaaro hore la tagay da’da 17-jiradii saxda ahaa, hadana uu diyaarsaday dhalinyaro tayo eh ahna da’dii ku haboonayd.

 

Xulka Soomaailya ayaa hada ku jira diyaar garowgii ugu xoganaa ee ku aadan ka qeyb galka cayaaraha U-17-ka ee dalalka bariga iyo bartamaha qaarada Afrika oo lagu wado in 19-ka bisha August ay ka furmaan magaalada Khurtuum ee xarunta dalka Sudan.

  Maalin farayare oo la taagan qaar ka mida cayaartoydiisa dugsiga  booliska 

 

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office



Leave a comment