Xulka U 17-ka oo kooxda Heegan kaga badiyay 3-2

Monday July 20, 2009 - 12:42:23
0 Comments
4122
Shaafici Muxyidiin
Xuka Qaranka kubada cagta ee U 17 iyo kooxda Kubbada Cagta ee naadiga Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shalay Sabtidii cayaar saaxiibtinimo ku yeeshay garoonka dugsiga sare ee Booliska waxaana cayaartaasi ay ku dhamaatay 3-2 oo ay guushu ku raaday xulka U 17.

Cayaatan oo ahayd mid aad u xiisa badan ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe, ku xigeenkiisa koobaad cali Saciid Guuleed, kaaliyaha xoghayaha xiriirka Xasan Farey, guddoomiyaha Naadiga Heegan Cali Cabdi Maxamed (Shiine)iyo dad weyne farabadan.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo daawanayay cayaarta ayaa sheegay in taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Qeybdiid uu si weyn uguy amaan mudan yahay dhisida kooxaha kala duwan ee naadiga Heegan waxaana uu ku tilmaamay taliyuhu in uu yahay gacan siiye isboorti.

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid ayaa ugu hambalyeeyay guddoomiyaha naadiga heegan Col Cali Shiine iyo duud ahaan mauuliyiinta Booliska dib usoo nooleynta kooxda kubada cagta ee Naadiga Heegan.

 

“Madaxda naadiga Heegan waxaa ka go’an horumarinta Isboortiga aad ayaana ugu kalsoonahay in ay wax weyn ka qaban doonaan horumarinta cayaaraha”ayuu yiri gudodomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta Cali Saciid Guuleed oo xiligaana gacan qaadayay guddoomiyaha naadiga Heegan.


 

Somali NOC Media Department



Leave a comment