Ronaldinho" waxaa lajoogaa xiligii aan ka aarsan lahaa Camaroon"

Monday September 01, 2008 - 14:09:33
0 Comments
2687
Shaafici Muxyidiin
Xiddiga caanka ah ee wadanka Brazil iyo kooxda AC Milan Ronaldinho oo ku sugan wadanka China ayaa sheegay in ay ka aarsanayaan wadanka Cameroon.

Labada Waddan ayaa berri is kaga horyimn doona kulanka adag ee ka tirsan quarter-final-ka, Ronaldinho  oo ku sugan wadanka China ayaa sheegay in ay ka aarsanayaan wadanka Cameroon marka ay berri is kaga horyimaadaan kulanka adaga ee ka tirsan quarter-final-ka koobka k.cagta ee Olombikadda Adduunka ee ka soconaya magaaladda Beijing ee wadanka China.

"Maalin xanuun badan ayay Cameroon na soo marsiiyeen sanadkii 2000 markii ay 2-1 ay nooga adkaadeen ciyaar ka tirsaneyd koobka k/cagta ee Olombikadda adduunka ee ka dhacday Sydney, waxana filayaa in maanta ay tahay maalin ka duwan maalintaas, waxaana maanta ii noqon doontaa maalin  aan ka aarsanno Cameroon, sidaas oo kale waxay noqontaa maalin gooni ii ah aniga, waayo waxaan ka hor tagayaa wadanka Cameroon" ayuu yiri Ronaldinho.

"waan la socdaa in la ciyaarista Cameroon ay tahay mid aan sahlaneyn, hase ahaatee berri waan ka aarsan doonaa, waxaana xulkeyga Brazil u soo bixi doonaa semi-final-ka ciyaarahan, waayo aniga ayaa ogaan kara xanuunkii aan ka qaaday maalinkii ay naga adkaadeen" ayuu sii daba dhigay Ronaldinho oo la hadlayay saxafiyiinta K/cagta oo ku soo xoomay mar uu galabta ka soo baxay xerada tababarka ee xulka Brazil ee magaaladda Beijing ee wadanka China.

Sanadii 2000 ayay aheyd markii wadanka Cameroon uu 2-1 uga ku adkaaday wadanka Brazil, waxaana ciyaartaas oo aheyd mid taariikhi ah daqiiqadii 17-aad goolka furitaanka ciyaarta dhaliyay laacibkii hore ee wadanka Cameroon Patrick Mboma, hase ahaatee uu Ronaldinho uu gool  bar bardhac ah oo sababay in ciyaarta lagu daro 30-daqiiqo oo dherri ah uu xulkiisa u dhaliyo, laakiin Modeste Mbami ayaa ciyaarta oo ay ka harsantahay 7-daqiiqo goolka guusha u dhaliyay xulkiisa Cameroon, waxaana jirtay in habeenkaas wadanka Cameroon laga eexday markii ciyaarta laga saaray mid ka mid ah laacibiinta xulka reer Africa ee Cameroon.



Leave a comment