Garsoore Xasan Wiish oo dhiiri gelin u sameeyay garsooreyaasha k/cagta Soomaaliya.

Sunday April 05, 2009 - 21:13:41
0 Comments
2810
Shaafici Muxyidiin
Garsooraha kubada cagta Soomaaliyeed laakin heysta dhalashada Danish-ka ah Xasan Aadan xaaji Yabarow (Wiish) ayaa tobaneeyo ka tirsan garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed maanta oo khamiis ah ku qaabilay Hotelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho oo ay ka dhacday munaasabad qado sharaf ah oo uu garsooreyaasha u sameeyay.


“Waxaan halkan u imid in aan aqoontayda iyo khibradayda u gudbiyo walaalahayga (garsooreyasha kubada cagta Soomaaliyeed),waxaana u balan qaadayaa in wax kasta oo karaankayga ah aan la garab istaagi doono si ay ugu talaabsadaan horumar ka balaaran kan iminka ay heystaan”ayuu yiri garsoorahan heerka labaad ee dalka Denmark oo da’diisuna tahay 30 jir.

 

Waxaa xasan uu hadalkan  sheegay intii ay socotay khudbad gaaban oo uu ka jeediyay munaasabadii uu maanta kula kulmay garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed.

 

“Sanadkii lasoo dhaafay ayaan balan qaaday in aan isu ururin doono garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada kala jooga si ay isu caawiyaan wax wada qabsigooduna u horumaro”ayuu yiri garsoore Xasan Wiish oo sheegay in marka uu ku laabto Yurub uu xiriir iyo wada shaqeyn joogto ah ka dhex abuuri doono garsooreyaasha kubada cagta ee dalka jooga iyo kuwa dibadaha ku sugan.

 

Mr. Hassan Wiish oo soomaaliya ka tagay 1991-kii dibna usoo laabtay dabayaaqadii bishii tagtay ayaa balan qaaday in uu gacan ka geysan doono horumarinta tayada garsoorka kubada cagta Soomaaliyeed oo uu usoo gudbin doono buugaagtii ugu dambeysay ee shuruucda cusub ee garsoorka caalamiga ah.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid maxamuud Nuur Mugaabe oo hadal kooban ka jeediyay munaasadii maanta ayaa amaan balaaran usoo jeediyay garsoore Xasan Wiish oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin ay ka go’an tahay in uu caawiyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

“Waxaan ugu baaqayaa garsoore yaasha iyo tababarayaasha ku sugan yurub oo asal ahaan Soomaaliya ka tagay in ay dalka kusoo laabtaan oo sidii xaan Wiish oo kale ay caawiyaan walaalohooda aan fursad u helin wax barasho dalka dibadiisa ah”ayuu munaasabada ka sheegay guddoomiyaha kubada cagta Soomaaliya Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe.

 

Guddoomiyaha guddiga Olombikada soomaaliyeed Aadan Xaaji yabarow (Wiish)  ayaa dhankiisu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee dhalashooyinka kala duwan wata gaar ahaan kuwa isboortiga ehelka u ah in ay caawiyaan Isboortiga Soomaaliya oo hada kasoo kabanaya 19 sanadood oo ay oo dib u dhac  ah taas oo ka dhalatay dagaaladii ugu qaraaraa ee dunida soo mara 20-kii sanadood ee ugu dambeysay oo si daran u wax yeeleeyay dalka Soomaaliya.

 

Garsoorahan 30-jirka ah oo ay ka muuqato in uu yahay shaqsi isboortiga hiwaayad ka dhigtay waxaa galab kasta lagu arkaa garoomada bur burku ka muuqdo dhexdooda isagoo hadiyado iyo waxyaabo kalaba siinaya dhalinyarada hada isboortiga lagu bar baarinayo taas oo uu sheegay in uu dhiiri gelin uga dhigayo.

 

Dhalinyaradan ayaa kusoo dhex koray waayaha dagaalada,fowdada iyo nidaam darrida dalkan sharci la’aantu la dagtay ee ku yaala geeska Afrika.

Somali football press department

Contact: somalifootballmedia@gmail.com

Cell phone +25250 969815

Office+ 2521 220176



Leave a comment