» Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta » SOMSOCOER.COM
 
 
Magaca  
Furaha
Captain Yuu Cali: Xulka Waxaa Ka Go`an Guul
Qormadan waxaa la daabacay: Thu 07 Jan 2010 03: 59: 13 waxaana la aqriyay 805 jeer
Djibouti: Ciyaaryahanka khadka dhexe u maamula xulka ahna Captain-ka Xulka K/Cagta Soomaaliyeed Yuu Cali ayaa waxaa uu sheegay sida ay uga rajo qabaan in ay guul uga keenaan Tartanka CHAN Cup oo kulan ciyaareed ka tirsan ay xulka Jabuuti la yeelanayaan xulka Soomaaliya 8/01/2010.


"Waxaan ku sameynay diyaargarow adag halkan [Djibouti] iyo Muqdisho tababaro ayaan qaadanay,waxaana aad nooga go`an in aan guul ka gaarno ciyaartan" sidaas waxaa ku adkaystay Captain Yuu Cali  oo intaasi raaciyay in ciyaartoyda Xulka Soomaaliyeed ay niyadooda sareyso islamarkaasna si weyn ay uga go`an tahay in tartankan isreebreebka Koobka CHAN ee Afrika in ay guul ka soo hoyaan.


"Walaalahayn Jabuuti waxaan rajeynayaa inaan ciyaar wanaagsan ku kala baxno ciyaartoyda aan wadano waa kuwo yaqaana cimilada iyo ciyaaraha Jabuuti waxaan filaya in aan muujino ciyaar wanaagsan oo guul horseeda." ayuu yiri Captain Yuu Cali.

 

Si kasta ha ahaateeTartanka CHAN Cup ayaa waxaan loo ogolayn inay ciyaaraan ciyaaryahanada ka ciyaara dal ka baxsan dalalkooda ama ah Professional. Waana markii labaad ee ay tartankan Soomaaliya ka qeybgasho.

 

Somali Football Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

+25250 969815 Cell

+2525 936226 Office

+2521 600601   Fax

 
MOST READ
LATEST NEWS