» Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta » SOMSOCOER.COM
 
 
Magaca  
Furaha
Xiriirka Kubada Cagta oo afur iyo Suxuur ugu deeqay dhalinyaro Soomaaliyeed.
Qormadan waxaa la daabacay: Sat 22 Aug 2009 13: 11: 04 waxaana la aqriyay 836 jeer
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa afur iyo suxuur ugu deeqaqy dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku haray xaafadaha laga kala qaxay ee ku dhow xarunta xiriirka ee ku taala Xaafada Geed Jacayl ee degmada Wardhiigley.


Dhallinyaradan ayaa ah kuwo ilaalo ahaan ugu haray guryohooda laga kala qaxay ,waxaana ay dhalinyaradu sheegen in ay aad uga wal walayeen sidii ay afur iyo suxur noloshooda kaafin kara u heli lahaayen, waxaana ay aad ugu mahad celiyen xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

  

Mar qura ayay dhallinyaradani farxad  dareemeen markii uu lasoo xiriiray gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyed ee kubada cagta Siciid Mxamuud Nuur Mugaabe una sheegay in uu xiriirku dabarayo cunadooda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka.

  

Dhallinyaradan ayaa guddoomiyaha xiriirku uu guddoonsiiyay lacago kaash ah si mid kasta oo ka mid ahi uu ugu iibsado raashinka uu daneynayo in uu ku soomo.

  

Dhallinyaradan ayaa qaarkood ay sheegeen in ay qorshaha ugu jirtay in ay xaafadaha ka tagaan oo reerohooda u qaxay duleedyada Muqdisho lasoo joogaan inta ay socoto bisha barakeysan ee Ramadaanka.

 

  

Somali Football Media Department

 

Email:Somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

 

+2525 936226   office

 

 
MOST READ
LATEST NEWS