» Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta » SOMSOCOER.COM
 
 
Magaca  
Furaha
Horyaalka K/ Cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidda oo furmaya
Maamulka Kubada cagta jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaaa shaaca ka qaaday in dhawaan u magaaladdaasi ka qabsoomi doono tartanka horyaalka Jaaliyada oo sanad kasta la qabto.... -
30 Jan 2012
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid :wiilasheyda koobka ayay qaadayaan.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxuyadiin Xasan Jurus oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu u aqoonsaday guddoomiyaha ugu kubad jacaylka badan tartanka degmooyinka ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay in wiilashiisu ay ku guuleysan doonaan koobka degmooyinka marka cayaarta kama dambeysta ah ay jimcaha la yeeshaan degmada Dharkeynley.... -
28 Dec 2011
Ururka Deegaan-Bile oo soo dhaweeyay cayaaraha Degmooyinka
Mid ka mida ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Mqudisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay dhaq-dhaqaayada isboorti ee dalka ka jira si gaar ahan wuxuu u tilmaamay cayaaraha degmooyinka gobalka Banaadir oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu soo abaabulay gacan weyna uu ka geysanayo maamulka gobalka Banaadir.... -
25 Dec 2011
Tartankii Degmooyinka oo semifinal soo gaaray
Wiilasha kubada Cagta ee degmooyinka Yaaqshiid iyo WadaJir ee gobalka Banaadir ayaa galabta xaqiiqsaday in ay usoo talaabeen wareega 4-ta ee semifinalka tartanka nabada gobalka Banaadir oo lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ka soconayay garoonka Stadium Banaadir... -
24 Dec 2011
Xulka oo gaaray Addis iyo kumanaan Soomaali ah oo wadooyinka magaalada buux dhaafiyay.
Kumanaan taageerayaal Soomaaliyeed ah oo aad u faraxsan ayaa maanta gellinkii dambe buux dhaafiyay wadooyinka magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ityoobiya kadib markii galabta ay garoonka diyaaradaha Magaaladaasi ka dageen xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya.... -
13 Nov 2011
Tartanka dugsiyada oo si xiiso leh u socda iyo Macmuur oo soo baxay
Iyadoo tartanka kubada cagta dugsiyada uu si xiiso leh uga soconayo garoonka iskuulka Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho ayaa wiilasha dugsiga Macmuur ay galabta usoo bexeen semifinalka kadib markii ay 8-6 ugu awood sheegteen wiilasha dhigooda ah ee dugsiga Jaabir Bin Xayaan... -
13 Nov 2011
Soomaaliya iyo Ethiopia oo bar bar dhac ku kala tagay
Ciyaartii ugu horeysay is reeb reebka koobka aduunka ee 2014-ka oo ay Soomaaliya iyo Itoobiya garoonka Al Xaaji Xasan Guuleed ee magaalada Jabuuti galabta ku yeesheen ayaa ku dhamaatay is mari waa 0-0 ah.... -
12 Nov 2011
Dugsiga Macmuur oo ku dur duriyay dhigiisa Xamar Jajab
Wiilasha iskuulka Macmuur ayaa 6-0 ugu awood sheegtay wiilasha dhigooda ah ee iskuulka Xamar Jajab ciyaartii furitaanka tartanka dugsiyada oo galabta ka dhacday garoonka Iskuulka Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho.... -
10 Nov 2011
Isku aadka tartanka dugsiyada oo lasoo saaray
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta oo isniin ah ku dhawaaqay isku aadka tartanka kubada cagta dugsiyada ee 2011-ka. Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa lagu sheegay in tartankan muddo laba bilood ah qaban qaabadiisu socotay, waxaana si wada jir ah uga shaqeynayay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo ururka ardayda Soomaaliyeed.... -
07 Nov 2011
Garsoore muddo dheer shaqeynayay oo geeriyooday
Xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa xaqiijiyay dhimashada deg dega ah ee garsoorihii Futsalka ee heer caalami Maxamed faarax muxuyadiin oo xalay maqribkii geeriyooday kadib markii wadnuhu istaagay.... -
08 Oct 2011
Isku aa dka Orange cup oo lasoo saaray.
Waxaa lasoo saaray isku aadka tartanka 28-aad ee koobka qaramada Afrika ee {Orange African Cup of nations} loo yaqaan kaas oo bisha Janaayo ee sanadka soo socda si wada jir ah loogu marti gelin doono wadamada Gabon iyo Equatorial Guinea.... -
07 Oct 2011
Xoghayaha xiriirka oo isbitaalka lagasoo saaray
Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo Salaasadii ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo magaalada Muqdisho ka dhacay ayaa lagasoo saaray isbitaalka shalay maqribkii.... -
07 Oct 2011
Duran oo xulka qaranka u sheegay in ay yihiin kuwo aad u nasiib badan
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ahna madaxa xiriirka caalamiga ah ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Ahmed faarax ayaa shalay isniintii waxaa uu booqday halka ay ku tababar qaataan xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya oo ah garoon yar oo ku yaala kuliyadii culuunta siyaasada Soomaaliya.... -
27 Sep 2011
BAHDII ISBOORTIGA BERISAMAADKII OO HAMBALYO U DIRAYA KOOXDA SOMALIDA AUSTRELIA IYO TABABARE C/XAAQ
Ka dib markii kooxda Soomaalida dalka Australia ku guuleysatay taratnkii horyaalka heerka labaad ee waqooyiga dalkaasi ayaa waxaa rag ka trisanaa bahweynti isboortiga Soomalaiya berisamaadkii waxaa ay soo direen hambalyo ku aadan guushaasi ay gaareen markii ugu horeeysay taariikhda Koox Soomaaliyeed oo dibadda uga qeyb gasha tartan noocan oo kale ah.... -
23 Sep 2011
Maamullayaasha Naadiyada oo tababar loo qabtay
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa maanta oo Arboco ah waxaa uu tababr dhanka maamulka ah oo hal maalin soconayay u qabtay madaxda naadiyada kala duwan ee hoos-taga xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta.... -
14 Sep 2011
Aweys Fuundi:"Kooxdeenii Horseed dhamaan kooxaha kale waxay ula ciyaarayeen sida cadow oo kale"
Aweys Muuse Arboow oo loo yaqaano Aweys Fuundi waxaa uu ka mid ahaa xidigihii lagu dhaaran jiray ahaa ee soo maray kubadda cagta dalka Soomaaliya,waxaana uu ka ciyaarayey lambarka 2-aad ee daafaca isagoo u saftay naadigii caanka ahaa ee Ciidanka xooga dalka ee Horseed oo ka mid ahayd naadiyadii ugu adkaa ee dalka bari-samaadkii magaceeduna ku faafay Dalalka Afirca iyo kuwa Carabta.... -
26 Aug 2011
CECAFA oo ku baaqday Olole lagu gargaarayo Soomaaliya
Ururka kubada cagta dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa maanta oo khamiis ah ku baaqay in hey’adaha isboortiga caalamku ay qaadaan Olole balaaran oo looga hortagayo musiibo bini’aadanimo oo ka dhacda dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin abaareed oo xoogani ay ka jiraan xubin buuxdana ka ah ururka CECAFA.... -
11 Aug 2011
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo soo dhaweeyay deeqda FIFA siisay Soomaaliya
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay kaalmada bini’adanimo ee ururka kubada cagta aduunka ee FIFA uu ugu deeqay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.... -
11 Aug 2011
Baasaale oo loo magacaabay madaxa xafiiska horumarinta garsoorka
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa garsoore hore oo caalami ah Cabdi Cabdulle Axmed oo loo yaqaano Baasaale u magacaabay madaxa xafiiska horumarinta garsoorka kubada cagta Soomaaliyeed.... -
10 Aug 2011
Kubada Cagta oo horumar ka sameysay bartamaha Soomaaliya
Inkastoo ay jiraan dhibaatooyin xagg garoomada, qalabka iyo dhaqaalaha ah hadana cayaarta kubada cagta ayaa kusii faafeysa horumarna ka sameyneysa gbalka Galgaduud ee ku yaala bartamaha dalka Soomaaliya.... -
05 Aug 2011
Tartankii Futsalka nabada oo dhamaaday
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cgta ayaa shalay Salaasadii soo gabagabeeyay tartan Futsal ah oo lagu dhiiri gelinayay nabada iyo saaxiibtinimo ka dhex abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana koobkii ku guuleysatay kooxda Nucmaan.... -
20 Jul 2011
Keyn, Mase garoon kubadeed
Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxaa ay oraneysaa “Dadaalaa wuu gaaraa” taas macneheedu waxaa uu yahay in bini’aadamku uu sameyn karo is bedel laakin isku daygu uu yahay waxa ugu muhiimsan oo ay tahay marka hore in lagu dhaqaaqo wax kasta ka hor. ... -
25 Jun 2011
Xiriirka Kubada cagta oo cafiyay masuuliyiin ganaaxnaa
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa soo saaray qoraal uu cafis ugu fidiyay Macalinkii hore ee xulka qaranka Maxamed Cbdulle Farayare iyo xoghayaha Naadiga Dekedda Muqdisho Cabdulaahi Maxamed Bashiir “Kuwaataro”... -
17 May 2011
Elman oo noqotay horyaalka Soomaaliya ee 2010-2011
Kumaan kun taageerayaal ah oo la oran karo waa tiradii ugu badneyd ee fagaarayaasha sportiga isugu timaada tan iyo horyaalkii 28-aad ee lagu qabtey garoonka Da'da ah ee Coni Stadium, ayaa shala galab u soo xaadirtey kulan ciyaareedka Elman iyo Banaadir telecom,kaasi oo lagu qiyaasi karay inuu la mid ahaa Derby De Italia ee labada Milan ama kulankii Copa Del Rey Final ee habeen hore ka dhacay Mestalla Stadium.... -
22 Apr 2011
Ciyaartoy ka tirsan Elman oo la ganaaxay
Iyadoo la tixraac ciyaartii dhex martay Naadiyada Elman iyo Horseed, dhacdayna taariikhdu markey aheyd 13/04/011, kuna tirsaneyd Horyaalka kooxaha heerka 1-aad ee 2010-2011 taasoo markii ay dhamaatay kadib ay dhacday in laba ciyaaryahan oo ka tirsan Elman oo kala ah: C/maan Ismaciil Cismaan iyo Saciid Maxamud Maxamed dhamaadka ciyaarta ka dib ay fal gacan ka hadal ah kula keceen garsoorihii cayaarta dhex dhexaadinayay.... -
17 Apr 2011
Adkeysi “Yusuf Cali waa sarkaal saraakiil wata Aniguse waxaan ahay 3 alifle dabley wataa”
Tababaraha kooxda kubada cagta Dekedaha ee ka qeyb galeysa horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya Maxamuud Ibraahim Absuge (Adkeysi) ayaa sheegay in barri uu cayaar adag la leeyahay kooxda Elma nee hada horyaalka Hogaamineysa laakin uu wac-dare halkaa ka muujin doono.... -
17 Apr 2011
Guuldarradii labaad muddo todobaad ah oo wiiqaday rajadii Elman
Kooxda Kubada caghta ee Elaman oo ka mida kooxaha waaweyn ee dalka soomaaliya ayaa galabta waxaa ay si lama filaan ah ula kulantay guul darardii labaad oo soo gaarta mudo ka yar todobaad kadib markii kooxda Horseed ay uga adkaatay 2-1.... -
13 Apr 2011
Heegan oo dhinaca dhulka u dhigtey Elman, SITT oo soo dhaqaaqday iyo Dekedaha oo yaaban
Naadiga kubadda cagta ee Heegan ayaa u awood sheegtay naadiga hogaanka u haya horyaalka kubadda cagta Soomaaliya ee Elman FC.cayaar shala galab ay ku yeesheen garoonka jaamacada ee magaalda Mqudishooo 2-0 Elman madax dhulka loogu dhigay.... -
09 Apr 2011
Tacsi Tiiraanyo leh
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid Maxamuud Nuur, ku xigeenadiisa Cali Saciid Guuleed, Cabdulaahi Abow Xuseen, Cabdirashiid Xaashi, xoghayaha guud Cabdi Qani Sacid Caradb, guddoomiyaha guddiga garsoorka Cusmaan Jaamac Diraac, xubnaha guddiga fulinta , xogyeheynta , garsooreyaasha heerarka kala duwna macalimiinta, cayaartoyda iyo guud ahaan bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed waxaa ay tacsi u dirayaan garsoore Qaasim Sheekh Maxamuud oo hooyadiis ay shalay ku geeriyootay deegaanka Doolow.... -
27 Mar 2011
Wareega 2-aad ee horyaalka Soomaaliya oo furmay
Wareega 2-aad ee horyaalka heerka 1-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa maanta oo jimco ah ka furmay magaalada Muqdisho kadib muddo todobaad ah oo nasasho lagu jiray, waxaana cayaartii maanta ay dhex martay Heegan iyo Banaadir telecom iyadoo 1-0 ay ku adkaatay Heegan.... -
18 Mar 2011
Elman oo horay u socodkii laga hakiyay
Kooxda Horyaalka difaacaneysa ee Banaadir Telecom ayaa galabta oo Jimco ah waxaa ay 1-0 ugu awood sheegatay kooxda Elman oo iyaduna hada horyaalka hogaamineysa. Guul daradii galabta ayaa ahayd tii ugu horeysay ee Elman ay la kulanto tan iyo intii horyaalku dib u furmay 21-kii Janaayo.... -
04 Mar 2011
Elman oo 5-1 kaga taqalustay Dekedda
Elman oo ah koox awood leh oo ka cayaarta horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya ayaa galabta 5-1 ku dar dartay kooxda Dekedda oo guul-darada ay la kulantay ay ahayd tii ugu xumeyd ee la arko tan iyo intii tartanku dib u bilaabmay 21-kii bishii Janaayo ee sanadkan.... -
28 Feb 2011
Banaadir oo dekedaha kaga adkaatay 1-0
Kooxda Banaadir Telecom ayaa u muuqata in ay kasoo kabsaneyso dhaawacyadii horay u gaaray kadib markii ay heshay guushii labaad oo ay ka gaarto tartanka horyaalkka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya shalay jimcihii.... -
19 Feb 2011
Elman oo 4-0- ku kala jebisay Heegan
Kooxda Kubada Cagta Elman ayaa 12 dhibcood hogaanka ugu qabatay horyaalka heerka 1-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya kadib markii ay galabta 4-0 ku kala jebisay Kooxda Heegan cayaar aad u adkeyd oo ka dhacday garoonka Jaamacada ee magaalada Muqdisho.... -
17 Feb 2011
SITT oo 1-0 ku sagootisay SAVANA
Kooxda Kubada cagta SITT oo ah koox awood leh oo ka cayaarta horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya ayaa cayaar ay shalay galab la yeelatay kooxda kale ee SAVANA waxaa ay kaga adkaatay 1-0 90-kii daqiiqadood ee loogu tala galay.... -
16 Feb 2011
Banaadir Telecom oo markii ugu horeysay guuleysatay
Markii ugu horeysay tan iyo intii tartanka horyaalka kooxaha heerka 1-aad uu magaalada Muqdisho dib uga bilaabmay bishii lasoo dhaafay ayaa kooxda Banaadir Telecom ay gaartay guushii ugu horeysay, waxaana ay 3-1 uga adkaatay kooxda dhigeeda ah ee Supper Sheel.... -
11 Feb 2011
Elman oo 1-0 kaga adkaatay SITT
Elman oo ah naadi ka mida naadiyada kubada cagta awooda leh ee dalka Soomaaliya ayaa guul darro 1-0 ah dhabarka u saarisay kooxda kale ee SITT oo qudheedu aad u adag oo shala galab ay yeesheen loolan xoog badan oo ka mida tartanka horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya oo ayna daawanayeen guddoomiye yaasha GOS iyo xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.... -
10 Feb 2011
Dekedaha iyo Heegan oo 0-0 ku kala tagay
Iyadoo wareega hore ee horyaalka heerka 1aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya uu galay todobaadkii 3-aad ayaa naadiyada Heegan iyo Dekeda Muqdisho midkoona uusan helin guushii uu haminayay cayaar adag oo manta dhex martay taas oo ku dhamaatay bar bar dhac 0-0 ah.... -
08 Feb 2011
Elman oo 4-1 kaga adkaatay Supper Shell
Naadiga kubada cagta Elman oo ah naadi awood badan oo ka cayaara horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya ayaa galabta oo Salaaso ah waxaa uu 4-1 ugu awood sheegtay naadiga kale ee Supper Shell oo inkastoo laga badiyay hadana wacdare muujiyay marka loo eego habka ay ula dagaalameen Elman.... -
01 Feb 2011
SITT o ku dur durisay Horseed
Kooxda kubada cagta ee ay leedahay Shirkada Daalo Airliens ee SITT ayaa ku dur durisay kooxda Horseed ee raacsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed cayaar ka mid ahayd horyaalka heerka 1-aad ee Soomaaliya xilli cayaareedka 2010-2011 kana dhacday garoonka kulliyada Siyaasada.... -
26 Jan 2011
Previous | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10  Next
MOST READ
LATEST NEWS
 
 
 
link:Gucci||Gucci Sukey||Forex Directory